Ismiidaamin Qorsheysan Oo Maraykanku Ka Digay In Lagu Bartilmaameedsado Tartanka Qaramada Yurub Ee 2016

0
18

Washington (Hubaal) “tirada badan ee dadka dalxiiska kusoo galaya Yurubta gaar ahaan Faransiiska bilaha xagaaga ayaa bartilmaameed u noqon doona weerarada kooxaha argagixida.” Sidan waxa lagu sheegay qoraal digniin ah oo ay soo saartay waaxda digniinaha socdaalka ee Maraykanka, kaas oo sheegay in kooxaha argagixasadu ay diyaarinayaan weeraro ay gaystaan qaarada Yurub siiba Tartanka koobka qaramada Yurub ee ka dhacaya dalka Faransiiska bisha June 10-keeda oo soconayana ilaa 10-ka July. _89847002_89847001Faransiiska ayaa mar horeba kujiray xaalad degdeg ah oo salka ku haysa weeraradii kooxaha xagjirku ka fuliyeen caasimada dalkaasi ee Paris sannadkii hore. waxaana ay weeraro isku mar la fuliyey ka dheceen goobo ay kamid yihiin; gegida kubadda cagta, sheneemo weyn iyo baarar iyo hudheelo, kuwaasi oo galaaftay nolosha 130 qof iyo dhaawac tiro badan. Bishii March ee sannadkan aynu ku jirno waxa weeraro ay ku naf waayeen 32 qof ka dhaceen waddanka la jaarka ah  Faransiiska ee Biljamka, kadib markii qaraxyo ba’an lala beegsaday madaarka Brussels iyo goob tareennada laga raaco, waxaana masuuliyada weeraradaas iyo kuwii dalka Faransiiskaba sheegtay kooxda Islaamiyiinta ee la baxay IS. Tiro kor u dhaafaysa ilaa hal milyan oo taageerayaal ah ayaa la filayaa inay dalka Faransiiska soo gaadhaan, kuwaasi oo ka qayb galaya tartanka qaramada Yurub ee bishan 10-keeda ka bilaabmaya dalkaasi. waaxda digniinaha dhanka socdaalka u qaabilsan Maraykanka ayaa baaq dignaan ah u diray muwaadiniinta reer Maraykan ee u safraya dalka Faransiiska, kaasi oo ku wajahan khataro weeraro ay argagixadu maagan yihiin. Weerarada laga digayo ayaa ah kuwo bartilmaameedsanaya meelaha dadka dalxiisayaasha ahi ku badan yihiin, goobaha ganacsiga iyo sidoo kale goobaha laga safro ee istaannada ah, waxa digniintan inteeda badani ku socotaa dalka martigelinaya koobka qaramada Yurub ee Faransiiska. Inkasta oo si joogto ah loo soo saaro digniinaha la xidhaadha dhanka ammaanka muddo kooban aduunka oo dhan, Tani waa markii saddexaad muddo labaatan sanno, mid ayaa loo soo saaray Yurub.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here