Ismiidaamin Shalay Lagu Afuriyey Hoteello Muqdisho Ku Yaalla Iyo Kiiniya Oo Ka Hadashay Askar 20 Bilood La Haystayaal U Ahaa Alshabaab Oo Oodda Laga Qaaday

0
24

Muqdisho (Hubaal-W/wararka)- Ugu yaraan 10-qof ku ayaa ku dhintay Qarax iyo weerar toos ah oo lala beegsaday Maqrib-nimadii xalay Hotel Weheliye oo ku yaalla Waddada Maka Al-Mukarama ee Magaaada Muqdisho, iyadoo wararku ay sheegayaan in kooxo hubaysan ay gudaha u galeen Hoteelka.

QARAXWeerarkan ayaa waxaa ku dhintay dad deggenaa hoteelka Weheliye, iyadoo kooxo ka mid ah kuwii weerarka soo qaadayna ay ku dhinteen qaarkood weerarka. Iyadoo aan si dhab ah oo ogeyn khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca inta ay le’eg yihiin.  Weerar kale oo lagu qaaday Hotelka Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa la weriyey in  dadka degenaa ay u badnaayeen reer Puntland. Dhinaca kale wararka ayaa intaas ku daraya in Qarax kale lagu weeraray Hoteel ku yaalla meel ku dhow Madaxtooyada Somalia, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana la xiray gabi ahaan isku socodka Waddada Muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama.  Dhinaca kale Ururka al-Shabaab, ayaa sheegay in ay cafis u fidiyeen laba Akari oo ka tirsanaa ciidanka Kenya , kuwaas oo ay gacanta ku hayeen muddo ka badan 20 bilood.  War ka soo baxay al-Shabaab ayaa lagu sheegay in labadan nin ay diintoodi bedesheen isla markaana qaateen diinta Islaamka, sidaas darteedna ku heleen cafiska.  Wararka yaala dalka Kenya ayaa sheegaya in labadan nin lagu qabtey iska-hor-imaad ka dhacay mar sii horeysey deegaano hoostaga Gaarisa, Waqooyi Bari Kenya kaas oo Kenya looga diley afar askeri oo kale.

Booliska Kenya ayaa sheegay in askartaasi caafimaadkoodu fiican yahay islamarkaana bad qab kaga yimaadeen kooxda Shabaab.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here