Telaviv:(Hubaal)-Dowlada Israel ayaa boqolaal ka tirsan Carabta ku nool daanta galbeed ku dartay ciidamada milateriga ee dalkaas bilihii la soo dhaafay.
Qaar ka mid ah askartan Falastiniyiinta ah ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin iney ka mid noqdaan ciidamada wadanka Israel, waxaana xusid mudan askartan marka ay ku biirayaan ciidanka Israel lagu dhaariyo kitaabka Quraanka kariimka ah.
“Waxaan isku arkaa inaan ahay Carab iyo Muslim laakiin sidoo kale inaan ka mid ahay waddankan Israel, Waa waddankeenii waana inaan gacan siinaa inta aan awoodno dowladda na ilaalisa.” ayuu yidhi Maxamuud oo ka tirsan carabta ku biirtay ciidamada Israel.
“Dad i arkay anigoo xidhan dharka askarta ayaa ii sheegay inaan qiyaamay waddanka. Waxaan u sheegay waa shaqadayda laakiin ma kala jecli waxa ay dadka dhahaan” ayuu sheegay Maxamud.
Ugu yaraan 500 oo askar Carab ah ayaa hadda ka tirsan ciidanka Israel, Toban jibaar Carabta Israel ayaa ku soo biiraya ciidanka dalkaas markii la barbar dhigo saddex sano ka hor.
“Ujeedadeenu waxay tahay inaan qorno inta aan awoodno, Waxaan leenahay dhowr boqol waxaana doonaynaa inaan laba jibaarno sanadka danbe” ayuu sheegay Col. Wajdi Sarhan, oo madax u ah ciidanka Israel ee IDF qaybta dadka laga tirada badan yahay. “
Labaatan boqolkiiba dadka reer Israel ayaa ah Carab laakiin 1% ayaa ka tirsan ciidamada wadankaas, iyadoo Dowladda Israel ay sheegtay in kordhinta tirada Carabta ee ku biiraya ciidanka ay u tahay isdhexgal labada dad.
Hanin Zoabi ayaa ah haweeney Carab ah oo ka tirsan baarlamanka Israel ayaa isku aragta inay tahay Falastiiniyad waxayna aad u dhaleecaysaa dowladda wadankaas.
“Qaybtan yar ee ku jirta ciidanka Israel kana soo horjeeda dadkooda waxay og yihiin inay dhaafayaan xadka wadaninimada, sagaashan boqolkiiba Carabta ka tirsan ciidanka Israel kuma haystaan sinaan Israel, umana baahna Israel inay difaacaan, waa siyaasad ku dhisan kala qaybi oo xukun” ayey tidhi Hanin Zoabi.
Askarta carbeed ee ku biiray ciidanka Israel ayaa sheegay iney qaataan mushahar wanaagsan, lana siiyey guryo iyo gaadiid ay ku socdaan.