Warbaahinta ka hawlgasha Dalka Itoobiya Oo Is-casilaadda Mr. Abadula Gemeda Ku Sababeeyey Cadho Ka Dhalatay Jawaabtii Dawladda Dhex Ay Ka Bixisay Shaqaaqada Oromada iyo Soomaalida Ka dhex Abuurantay
Siyaasigan Oo Ka Soo Jeeda Qowmiyadda Oromiya Waxaa Uu xilkan Hayay Tan iyo 201-kii
Addis Ababa (Hubaal):- Guddoomiyhii Golaha Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Abadula Gemeda, ayaa shalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas, ka dib markii uu ka cadhooday sida ay dawladda dhexe ee Itoobiya uga jawaabtay Codaaladdii dhawaan dhex-martay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada Itoobiya markii ay Oromadu dileen 43 Ruux oo Soomaali ah, sida ay Baahiyeen qaar ka tirsan Warbaahinta Itoobiya. Warbaahinta Addis Standard, Addisfortune.net iyo Kuwo kale oo ka hawlgala Itoobiya, ayaa baahiyey Sabtidii shalay inuu Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Warqadda uu isku casilay u gudbiyey Golaha Baarlamaanka iyo Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya. Waxay Warbaahinta kala duwan ee Warkan baahisay intaas ku dartay oo ay sheegtay in Xogo lagu kalsoon yahay oo laga helay sababta uu isu casilay Abadula Gemeda ay la xidhiidho dhibaatada ka dhex taagan Ismaamullada Killalada Soomaalida iyo Oromada, gaar ahaan qaabka ay dawladda dhexe uga jawaabtay dilkii ay Oromadu u geysteen Soomaalida, oo ay Warbaahinta Oromadu ku eedaysay inay Ciidammada Federaalku dhirbaaxo kulul ku dhufteen Oromada. Guddoomiyhii Golaha Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Abadula Gemeda, oo qowmiyada oromada kasoo jeeda waxaa uu xilkan hayay tan iyo2010-kii isaga oo kasoo jeeda xisbiga OPDP [Oromo Peoples’ Democratic Organization]. Siyaasigan ayaa ka hor intii aanu noqon guddoomiyaha golaha wakiillada eedalkaasi waxaa uu mar xukumi jiray oo uu madaxweyne u ahaa ismaamulka qowmiyada Oromiya, xilkaas hortiina waxaa uu noqday wasiirka difaaca ee ismaamulka qowmiyadaas.