Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Sool Oo Ka Warbixiyey Waxqabadkii Mudadii Uu Xilka Hayey Iyo Qorshihiisa Sanadka Cusub

0
13

Laascaanood (Hubaal) Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Gobolka Sool, Dr Maxamuud Khaliif Faarax oo muddo afar bilood ah hayey masuuliyada gobolkaa ee caafimaadkana ay wasaaradda heer xarumeed u igmatay, ayaa tan iyo mudadii uu xilkaa qabtey markii u horreysey warbaahinta ugaga warramay waxqabadkii shaqo ee uu qabtay iyo sidoo kale waxqabadka sanadka cusub u diyaarsan. Waxaana uu warbixintiisa ku bilaabay : ”waxaa shaqada lay magacaabay bishii 4 aad ee sanadkan 2019, waxaana wasaaradaa gobolka masuul uga ahaa mudadaa afarta bilood ah, aniga shakhsi ahaan ka jaawaabay masuuliyada la ii gartay ee wareegtada ah waxqabad ahaan ka xusaya,

  1. Waxaan kormeeray, dawooyinna aan gaadhsiiyay 31 MCH oo gobolku lahaa
  2. Waxaan ku bilaabay socdaal aan ku soo maray dhamaan Gobolka Sool, Degmooyinkiisa iyo Daabiyadihiisa
  3. Waxaan xadhiga ka jaray MCH daabiyada dalsan laga dhisay oo maamulkii hore barosseskiisa lahaa hase ahaatee aan hawlgeliyey.

4.Waxaan gobolka ka bedelay in shaqaalaha wasaarada reernimo lagu soo xusho, iyadoo aqoontooda in lagu soo xsho aan dhaqan geliyey imtixaana lagu qaadanayo oo laguna xulanayo.

  1. Waxaan bedelay habmaamulkii shaqaalaha wasaarada anigoo sameeyey shaqo daadejin ah in qof waliba uu shaqadiisa u madax banaanaado.
  2. Waxaan dardargeliyey anigoo shaqaalahana ku joogteynaya in laysla xisaabtam shaqadana la isku ixtiraamo.
  3. Waxaan shaqaalaysiiyey muddadaa afarta ta bilood ah 120 shaqaale ah, aniga oo u sii daayey hay’adihii ka saacidi, ama ka caawin lahaa gunooyinka.
  4. Waxaan cisbitaalka guud keenay talaagadii meydka taas oo ay noogu deeqday Shirkada dahabshiil Company, anaga oo uga mahadcelinayna ka wasaarad ahaan..
  5. waxaanu hawlgeliyey oo aan u sameeyey 7 tiim oo caafimaad oo gobolka goobihiisa caafimaadka gaadhsiiya gurmadka daawooyinka iyo baahiyaha kale ee ah adeegyada caafimaad, kuwaas oo ah kuwa durugsan ee ku yaalla meelaha fogfog sida 1.Xudun mch 2.lafawayne mch 3.Awrboogays mch 4. Kalabaydh mch 5.Xidhxidh mch 6. Yagoori mch 7. Ceegaag mch 8. Goljano mch 9. Taleex mch iyo daabiyadaha ku xeeran si ay teemamkaasi u soo gudbiyaan ugana hawlgalaan marka ay la soo dersaan baahiyaha caafimaad, anaga oo ka hortegayna intii aanu ka daba tegi lahayn, baahiyaha caafimaad ee aanu bulshada u haynona isku deyeyna inaanu qofkiisii ugu tagno goobtiisa, kana dulqaadayna intii karaankayaga daryeelkii ka fogaa ee aanu awoodeyn inuu u safro.

Dhamaan waxaan xusayaa in shaqaalahaasi ay ahaayeen kuwo u tartamey si cadaalad ahna aanu ugu xulanay aqoontooda, isla markaana aanay ahayn kuwo aanu ku  qaadaney reernimo.

Waxaan kusoo kordhinay gobolka hay’ada MSF  oo ah hay’ad caalamiya, taasoo dhakhtarka ka dhigi doonta mid si fiican u shaqeeya kana dabooli doonta baahiyaha adeegyada caafimaad iyo gunooyinka shaqaalaha, daawooyinka, tayeynta aqoontooda .

Sidoo kalena waxaan halkan idinkula wadaagayaa barmaamijyada noo qorshaysan  sanadka cusub, anaga oo la kaashanayna xukuumada dhexe iyo wasaarada caafimaadka ee dalka waaxaheeda, agaasimaheeda guud iyo wasiiradeeda iyo dhamaan hay’adaha ka saacida ee ku garab taagan daboolista iyo wax kala qabashada baahiyaha caafimaadka ee dalka kuwaas oo kala ah.

  1. Horumarin iyo dhamaystirka cusbitaalka guud ee gobolka Sool caasimadiisa Laascaanood, iyada oo la horumarinayo lana casriyeynayo, baahiyaha wejiyadii hore ka baaqdayna la dhamaystirayo.
  2. Mch yada kuwa ku yaalLa meelaha fogfog iyo kuwa ku yaala meelaha dhawba inaan adeega ay bixinayaan ka dhigno mid aad u sareeya
  3. inaan caafimaadka gaadhsiino geed walba iyo guri walba
  4. inaan qaybta TB ee centerka oo naga hoosaysa aanu kor u qaadis ku samayno
  5. inaan dibudhis ku samayno isbitaalka TB da ee centarka

inaan qurxino dhamaan cisbitaalka oo dhigno interlogii dhaman gudaha cisbitaalka si nadaafadiisa kor loogu qaado

waxaa naga goan inaan caafimaadka gobolka dib looga caban

Anaga oo ka duulayna inaan qof danbe oo reer sool ah debed loogu qaadin xaalad caafimaad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here