Itoobiya: Afrikaanku Uma Baahna Iney Fiise Usoo Qaataan Dalkayaga

0
17

Addis ababa (Hubaal) Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay Shucuubta waddamada Afrika iney Visaha dal ku galka ah ay ka qaadan karaan Airboorrada caalamiga ah ee ay dalka ka soo galaan.

Madaxweynaha Itoobiya Dr Mulatu Teshome oo labada gole khudabaddiisa sanadlaha u soo jeediyey ayaa wuxuu sheegay inuu go’aankaa hirgelintiisu ay dowladdu billaabeyso sanadkan 2011-ka tirsiga Itoobiya oo la mid ah 2018/2019. Dadka waddamada Afrika ka yimaadda waxay hadda ka hor fiisaha dal ku galka ay ka qaadan jireen safaaradaha Itoobiya ay ku leedahay oo waddamadooda. Madaxweyne Dr Mulatu ayaa wuxuu sheegay “sida uu dhigayo qorshaha Midoga Afrika ee ah iney dalalka Midoga ka tirsan ay fududeeyaan isusocodka muwaaddiniinta qaaradda. Tallaabbada ay Itoobiya qaaddayna ay qayb ka tahay hirgelinta qorshaha isu socodka Midowga Afrika oo ay waddama dhowr ah horay u hirgeliyeen.

Midowga Afrikana wuxuu dajiyey iney waddamada qaaraddana Afrika muwaaddiniinta u dhashay dal Afrikaan ah ay Fiisaha dal ku galka ay weydiin karaan oo keli ah ilaa iyo 2023-ka, wixi xilligaa ka dambeeyana muwaaddiniinta waddamada qaaraddu Fiisa la’aan ay waddankeey doonaan ku soo geli karaan. Itoobiyana maadaamaa ay tahay xaruunta Midowga Afrika waxay billaawday ayuu yidhi iney shucuubta Afrika ay Fiisahooda ka qaataan Airboorka caalamiga ee ay ka soo dagaan. Tallaabbadan ay Itoobiya qaaddayna waxay keeneysaa iney waddamada Afrika xidhiidhkooda dhinacyada dhaqaalaha iyo dalxiiskaba ay sii xoojiyaan. Waxayna dawladda Itoobiya waddaa ayuu yidhi nidaam cusub oo ay ku casriyeyneyso bixinta Fiisaha dal ku galka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here