Itoobiya: Dadaallada Caalamiga Ee Lagaga Hortegayo Weerar Lagu Qaado Addis Ababa Oo Xoogeystay

0
9

ADDIS ABABA — Dadaallo diblomaasiyadeed  caalami ah oo lagaga hortegayo weerar xoogagga mucaaradku ku qaadaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ayaa sii xoogeystay Khamiista maanta, kadib markii la sheegay in ciidammada Tigray-ga si xawli ah ugu sii siqayaan dhanka caasimadda.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa maanta, si uu dhinacyada ugu cadaadiyo in la hakiyo hawlgallada millatari, loona bilaabo wadahadallo xabbad-joojin ah.

Madaxweynaha Uganda Mr Yoweri Museveni,  ayaa dalbaday kulan ay hoggaamiyayaasha dalalka Bariga Afrika isugu yimaaddaan 16-ka bishan November, si looga wada arrinsado dagaalka aadka u xun ee dhexeeya dawladda Ethiopia iyo kooxda Tigrayga ee TPLF.

Ururka’goboleedka IGAD, ayaa isaguna dhsnkiisa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, waxaannu dhinacyada ku boorriyey inay muujiyaan isxakameyn.

Xogyahaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr.. Antonio Guterres, ayaa isna sheegay inuu la hadlay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, una yaboohay taageerada xafiiskiisa si loo abuuro jewi wadahadal, lana joojiyo dagaalka.

Sidoo kale, safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa shalay ogolaatay inay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo qoysaskooda ka bixi karaan magaalada sababo salka ku haya colaadda ka aloosan Itoobiya.

Washington ayaa Arbacadii sheegtay “inay si xooggan uga walaacsan tahay xaaladda dalka Itoobiya,” waxayna ku baaqday in la hakiyo hawlgallada millatari.

“Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku waxay ansixisay in shaqaalaha aan lagama maarmaanka aheyn iyo qoyasaskooda ay ka tagi karaan Ethiopia sababo la xidhiidha dagaalka hubeysan, kacdoonka shacabka iyo suurtagalnimada gaabis ku yimaad sahayda,” ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa.

Xukuumadda Abiy ayaa xaalad degdeg ah gelisay guud ahaan dalka maalintii Salaadada, kadib markii Tigray-ga ay ku hanjabeen inay qabsan doonaan caasimadda.

Xoogaga Tigray-ga ayaa ku sugan magaalada Kemise ee gobolka Amxaarada oo 325 km u jirta Addis-Ababa, sida uu sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Dhinaca kale, Afhayeenka dowladda Itoobiya Mr Legesse Tulu ayaa ka aamusay codsi jawaab celin ah oo loo diray.

Reuters

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here