Muqdisho (Hubaal) Waxaa suuqa ku jira warar sheegaya in wafdi heer Wasiir ah oo ka socda Itoobiya ay todobaadkan booqasho ku iman doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Wefdigan oo la filayo inay tiradoodu gaadho ilaa 8 wasiir ayaa lagu wadaa inay berri oo Axad ah Muqdisho yimaadaan, sida lagu qoray Jowhar.com. Booqashadan oo ah mid shaqo ayaa la sheegay inay daba socoto guddi isku dhaf ah oo heerka Wasiir ah oo ay horay ugu dhawaaqeen Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo dhaqan gelinaya heshiis ay wada gaareen Somalia-Itoobiya, markii uu Muqdisho tegey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, bishii Juun ee sanadkii 2018-kii, isagoo heshiiska la galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Labada dal ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen dhowr qodob oo lagu sheegay kuwo lagu abuurayo isdhexgal bulsho iyo iskaashi dhaqaale oo labada dal dhex mara.
Waxaa heshiiska ku jira qodob muran dhaliyay oo ah midka 7-aad, kaasoo ay ku xusan tahay inay labada dal wada maalgashanayaan 4 dekadood, iyadoo aan la faahfaahin qaabka farsamo ee taa loo fulinayo.
DF Somalia oo ka aamusan arrin halis ku ah AMAANKA QARAN ee Somalia oo ay Itoobiya samaysay!
Dhinaca kale, Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u howl gelinaysa biyo-xireenka Genale Dawa III oo laga hirgeliyey koonfurta-bari ee dalkaasi.
Biyo-xireenka oo lagu kharaj gareeyay adduun dhan 451 milyan oo doollar ayaa iminka la dhameystiray 99%, waxaana uu ku howl-billaabi doonaa muddo laba bilood gudahood ah, sida uu xaqiijiyey madax ka socda Shikradda Korontada Itoobiya ee EPP, Dr. Abraham Belay.
Mashruucan ayaa lagu wadaa inuu soo saaro awood koronto oo gaadhaysa 254 Megawatt, waxaana laga sameeyay marinka webiga Jubba oo ah midka ugu ballaaran Somalia, kaasoo la filayo inuu wax u dhimo tirada biyaha soo aadaya Somalia.
Dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray burburka kaddib ayaa iskaga mid ah hal arrin oo ah inaysan marna ka hadal, ama Itoobiya ugu tegin wax ku saabsan sida arrimahan xal loogu heli lahaa maadaama ay tahay arrin ka mid ah amaanka qaranka dalka, iyagoo sheegta inay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin Itoobiya.
Webiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa haatan caadaystey inay marna guraan marna fatahaan, waloow ay meesha ku jiraan qorshe xumo iyo isbeddelka cimilada, waxaa sidoo kale ka marnayn saamayn biyo xireennadan ay Itoobiya dhisayso.