Itoobiya ayaa sheegtay iney sanadka 2019-ka ay marki ugu horreysay hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedki ugu horreeyey oo ay yeelato.
Warkan oo BBC-du ka soo xigatay xafiiska isgaadhsiinta ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya sameynta dayax-gacmeedka Itoobiya iney iska kaashadeen Khubaro ka kala socday Itoobiya iyo Shiinaha.
Madaxa machadka teknooljiyadaha hawada sare ee Itoobiya Dr Selemon Belay, wuxuu sheegay sameynta dayax gacmeedka Itoobiya ay hawada u diri lahayd inuu haatan gabagabo marayo.
Waxaana la dhammeystiray ayuu yidhi fasaxii caalamiga ahaa ee nalooga baahnaa iyo diiwaangelinta ceymiska intaba. Waxayna si rasmi ah dayax-gacmeedka hawada sare aan u direynaa ayuu yidhi sanadka 2019-ka.
Dayax-gacmeedka oo hawada sare loogu dirayo dalka Shiinaha wuxuu Itoobiya ku soo gaadheyaa afar maalmood gudahood. Dayax-gacmeedka oo miisaankiisu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo ururinta xogaha la xidhiidha beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka.
Waxayna awood u leedahay 54 maalmood iney dunida oo dhan ku soo wareegto, Itoobiyana 4 maalmood.
Machadka sameynta dayax-gacmeedkan hirgeliyey ee Itoobiya waxaa markii ugu horreysay la aasaasay 2016-ka, iyada oo ay machadku u qorsheysan tahay ilaa iyo 2025-ka inuu hawada sare uu u diro dayax gacmeedyada dalka uu u baahan yahay oo dhan.
Itoobiya oo ka mid noqoneyso 7-da dal ee qaaraddan Afrika oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa hore dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya.