Itoobiya Oo Saamaxday Ninkii Sababta U Ahaa Kacdoonkii Qowmiyada Oromada Ee Horseeday Iscasillaadii Hailemariam

0
21

Waxaa Ay Dawladda Cusub Ee Uu Hogaamiye Abby Ahmed Ay Cafis U Fidisay Madaxii Ururka Ginbot 7 & Laba Telefishan Oo Laga Joojiyey Dacwad Ku Socotay

 

Addis Ababa (Hubaal) – Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa maxakamadda sare ee dalkaasi ka codsaday in la joojiyo dacwaddii ka dhanka ahayd laba telefishiin oo dibadda laga leeyahay oo la kala yidhaahdo ESAT iyo OMN iyo sida oo kale Dr Birhaanu Negga iyo Jawhar Maxammed. Maxkamadda sare ayaa waxay aqbashay codsiga xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya iyada oo u cuskatay qodobka 948/08 faqradiisa 3aad  sida uu telefishiinka FBC uu u sheegay madaxa agaasinka ka hortagga dambiyada Berhanu Wondimagegn.

Labada warbaahin iyo labada shaqsiba waxay ku wada jireen gal dacwadeedka loogu magacdaray Dr.Merara Gudina.

Dr Birhanu Negga oo ah madaxa ururka Ginbot 7 ee dowladda Itoobiya dagaalka hubeysan kaga  soo horjeeday isaga oo ku sugan Mareykanka ayey maxkamad ku taallo Itoobiya ku xukuntay xukun dil ah. Jawhar Maxammed waa ninka loo aneeyo inuu sabab u ahaa kacdoonka Oromada ee horseeday isbeddelka hoggaamineed oo dalka ka dhacay qowmiyadda Oromadan ay ku hanatay kursiga Ra’isal wasaaraha.

Maalinti shalay ahaydna waxaa sida oo kale ay dowladda Itoobiya cafis u fidisay siyaasiga Adergachew Sige iyo 746 qof oo kale oo ku eedeysnaa falal argagixiso iyo dambiyo kala duwan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here