Iyagaa I Kufsadey!!!-W/Q: Ilyas Abdi Ali.

0
83

Waxaan ahay Agnaan, cid lama murmo, ma caytamo, ma fadeexadeeyo dadka, waan u garnaqaa, sidii ay igu yidhaahdeen u shaqee ayaan wali ugu xamaalaa, lacag la ima siiyo, inaan seexdo ma ogala.

Waxay ii sameysteen inaan kala hago iyaga, marka dhibaato lasoo daristo, waliba iyaga ayaa isku raacay inaan sidan u xukumo oo khasab kuma iman halkan, waxay ii sameeyeen inaan cadaali noqdo, waxay ku dhaarteen inay ila shaqeynayaan oo ilaahay xagiisa way iiga dhaarsanyihiin, laakiin dhaartaasi la iguma hago oo maalintaasi ayaa ugu dambaysa.13330404_1065146816897447_131367344_n (1)

Waxay I dhigtaan goobo wanaagsan laakiin marka shaqadayda loo baahdo waxaa la igu daraa xashiishka iyo kuraasta hoostooda, ma hadli karo oo af iguma yaalo, ma carari karo oo cago iguma yaalaan, ma lihi awood aan kula doodo oo iyaga lama mid ahi, waxaan iska yaalaa halkii ay I dhigteen , siday doonaan ayay ii la dhaqmeen, aniga iyo dadkii way isku kaaya direen oo imika colbaanu nahay, anigay iigu necebtahay bulshadu, waxaan ku sameeyay ma aqaan oo hebelbaa si kale ii adeegsaday ana malihi awood iyo xoog aan iskaga kaxeeyo.

Imika waxaan u adeegaa midka wax haysta ee dulmiga hogaamiya waayo? anigu waxaan la shaqeeyaa isaga, laakiin waan jeclaan lahaa inaan umada dhex u noqdo oo mid waliba xaqiisa u dhiciyo hadii la ii adeegsado sidii la ii sameeyay.

Dadbaa igu dulman oo habeen iyo maalin I baadigooba, laakiin waan maqlaa oo agtooda ayaan taaganahay mana lihi awoodii aan kula hadli lahaa, waxaa I haysta mid iga awood badan oo shacabkana ka awood badan, markaan is idhaa xaqa sheeg wuu ii hanjabaa, dadka I jecel ayuu iga fogeeyaa waxaan jirin ayuu iga soo qaadaa siduu doono ayuu iga yeelaa, cid iga hadasha ma jirto, midka meelahaasi iiga dooddana waxaa lagu diraa shacab, wuxuu ka xunyahay ayaa la yidhaahdaa “Barwaaqada” la gaadhey waa la xidhaa dee ma garanayo waxaan ku caawiyo waayo? Isaga ayaa markii hore aniga I caawinayayba.

Imika shaqadaydu waa dulmiga , xaqii beri hore ayaa iigu dambeysay, habeen iyo maalinba dadbaan ku tacadiyaa, waxaan u xukumaa sida khaldan, ka awooda leh ayaan la jiraa, anigu ma jecli inaan umada dulmiyo laakiin ninbaa I adeegsada oo sidii aanan ahayn iga dhigtay.

Bulshadu ima barato, markay I arkaan way I tuuraan, inta I taqaan ee I garanaysaa waa tiro yar oo iyagu ka yaaban sida la iila dhaqmay, sida la xumeeyay ee aanan awooda u laheyn, imika waxaan la yaabanahay sida la ii baalmaray ee aniga la igaga tagay meel cidlo ah, maalin walba qof ayaa la xidhayaa maalin walba cadaalad daro ayaa jirta, maxkamadihii la igu xukumo, aniga la iguma shaqeeyo oo qof waliba fikirkiisa ayuu wax ku maamulaa, waxaa iigu daran kuwii I sameeyay oo aan igu dhaqmin bulshadana dhib ku haya.

Anigu waxaa igu adeegta kuwo awooda haysta ee ciidanka maamula, ee lacagta haysta, ma jecla inaan runta sheego iyagu, inta badan xagooda ayaan la joogaa waxaan ahay SHARCI Iyaga ayaa I Kufsadey.

W/Q: Ilyas Abdi Ali.

Ilyasdable1994@gmail.com

Ilyasdable1994@hotmail.com

Hargeisa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here