Jaaliyada Beesha Ayuub Ee Ingiriiska Oo Kalsoonidii Kala Noqotay Xukumadda Siilaanyo Iyo Nuxurka Qodobo Ay Soo Saareen.

0
41

London(Hubaal) Jaaliyada Beesha Ayuub Sheekh Isaxaaq ee Waddanka Ingiriiska ayaa Shir ay ku yeeshen Magaalada London waxay Sheegen in kalsoonidii kala Noqdeen Xisbiga Tallada Haya ee kulmiye iyo Xukumada Madaxweyne Siilaanyo.

ayuub1Ka dib markii uu dhamaaday Shirkaasi ayaa waxa laga soo saaray Warmurtiyadeed u dhignaa Siddan. “Maalintii Axadii ee ay taariikhdu ahayd 22/02/2015 ayaa Qurbo joogta Beelaha Ayuub ee London ku qabsadeen shir galbeedka magaalada London, shirkaas oo ay kaga wada tashanayeen aayaha iyo mustaqbalka beesha  mid dhaw iyo dheerba, haddii ay tahay mid dhaqaale, mid siyaasadeen iyo mid bulshadeedba, Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaanba qaybaha kala duwan ee beesha, sida haweenka, dhalinyarada, aqoonyahanada,  odayaasha iyo waxgaradka beesha.

ayuub2Ujeedoojinka ugu waawaynaa  ee shirka ayaa ahaa in ay beeshu dib u eegis kusamayso wax yaabihii u qabsoomay beesha shantii sano ee la soo dhaafay, haday tahay dhinaca arimaha bulshada iyo xaga horumarka siyaasada. Falan qayn dheer ayay beeshu ka yeelatay arimo badan u gaar ah beesha, waxaase si qotodheer loogu qaadaadhigay mustaqbalka beesha ee xaga arimaha siyaasada gaar ahaan mawqifka ama go’aamada ay beeshu qaadandoonto arimaha siyaasada Somaliland, waxaa laysla gartay oo markhati madooon ah, inaan haba yaraatee beelaha Ayuub oo taageeray boqolkiiba boqol (100%100) xukuumada hada talada haysa wakhtigii ololaha doorashada 2010kii, hase ahaatee aanay marnaba beeshu kahelin mudnaantii iyo xaqii ay kulahay xukuumada hada talada haysa, dhinac kasta oo laga eego haday tahay xaga saami qaybsiga, horumarinta adeegyada bulshada xag dhaqaale, waxbarasho, caafimaad, Biyo la’aanta iyo dhamaanba adeegyadii ay u baahnayd in ay bulsho ku horumarto.

Dhibaatooyinka kala duwan oo laga dheehan karo dhamaanba degmooyinka meelaha ay beeshu degto Taasoo  wax kasii dhaca mooyee aan waxba kusoo kordhin shantii sano ee ugu danbaysay ee ay talada dalka qabsatay xukuumada kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Madax-wayne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo).

Dood culus oo laga yeeshay arimihaasi kor kuxusan ayaa beeshu waxay isla garatay hada wixii kadanbeeya ina beeshu katashato xukuumada calankeedu sii socdo ee Kulmiye.

ayuub3Waxay qurba joogta Beesha ee UK  oo gacan ka helaya Ayuubka Joogga Dalka gudihiisa  ay go’aan sadeen in ay taageeran xisbiga WADANI anaga oo u  aragna ina uu yahay xisbiga qudha ee talada dalka Somaliland hanankara si cadaalad ahna ku hogaamin kara, gaar ahaana ay u argano in uu yahay ka qudha ee beeshu ay ka dhex muuqan karto kana dabooli karto baahi yaheeda kala duwan.

ayuub4Qodobada shirka ka soo baxay ee laysla qaatay oo aad u tiro badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa kuwa ugu muhiimsan qodobadan hoos ku xusan.

1: Ina beeshu halkii ka sii wado ka shaqaynta harumarinta xaga nabad galyada, midnimada iyo jiritaanka qaranimada Jamhuuriyada Somaliland

2: qurbo joogta Beesha  ee UK oo doortay guddi cusub.

3: wax kabadal iyo kaabis ay ku samaysay sanduuqii xaga dhaqaalaha ee beesha.

4: Taageerida Gudoomiyaha Wadani ee magaalada Bristol ee UK ina uu noqdo Murashaxa xubinta baarlamaanka uga qayb galidoona doorshada inagu soo socota hadii Ilaahay yidhaahdo.

Magacyada Hogaanka Gudiga Cusub ee Beeshala Ayuub ee UK

Mudane Aadan Mahad Cumar Gudoomiye

Marwo  Nimco Cabdisalaan Yuusuf Gudoomiye ku-xigeen

Marwo Aamina Cali Samatar Xoghaye

Marwo Nimco Cabdi Xuseen Khasnaji

Mudane Maxamed Xuseen (Nacnac) Xubin

Magacyada qaar kamida xubnaha kasoo qayb galay shirka ee dhinaca ragga

Engineer Axmed Xasan Yuusuf

Engineer Xamse Maxamed Xasan

Dr Maxamed Xaashi Faarax

Gudoomiya Wadani ee Bristol Mudane Cabdillaahi Cabdi Cige

Gudoomiyaha wadani ee Gobolka  berkshire Slough Mudane Faysal Axmed Kabadhe

Ganacsade Cabdillaahi Maxamed Cumar (Maajo)

Saxardiid Cabdi Kabadhe

Mudane Maxamed Axmed Cabdillaahi (Qalinle)

Baashe Cabdi Kabadhe

Mudane Cabdixakiin Camuud Axmed

Qaarkamida xubnaha Garabka haweenka ee kasoo qaybgalay shirka

Marwo Ilwaad  Yuusuf Jaanbiir

Marwo Ilhaan Xaaji Yuusuf Maxamed Suldaan

Marwo Faadumo Maxamed Axmed

Marwo Faadumo Cali Samater

Marwo Ayaan Axmed cabdisalaan

Marwo Shukri Maxamed Colaad

Allaa mahadleh

Mudane Cabdixakiin Camuud Axmed

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here