Jaaliyadda Beelaha Jareer-Weyne Ee Ku Dhaqan Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha La Doortay Iyo Ku-Xigeenkiisa

0
178

Jaaliyadda Beelaha Jareer-weyne ee ku dhaqan Somaliland waxa ay Ugu baaqeen Soomaalida Meelkasta oo ay joogaan, inay ku daydaan JSL, Kuna Taageeraan Qadiyada madax-banaanideed

Hargeysa (Hubaal) Jaaliyadda beelaha Jareer-weyne ee ku dhaqan Somaliland ayaa ku hambalyeeyay madaxaweynaha la doortay ee Somaliland, mud. Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Seylici, guusha ay kasoo hoyeen doorashadii 13-kii bishan qabsoomtay, waxaanay dhanka kale Alle uga baryeen inuu ku asturo xilkaasi loo dhiibay.  Nuqul kamid ah qoraalka hamblayada, boggaadinta iyo ducada isugu jira oo xalay soo gaadhsiiyeen xafiiska Hubaal ayaa lagu yidhi sidan;

“Anagga oo ah golayaasha dhaqanka iyo jaaliyada beelaha jarreer-weyne ee ku dhaqan Somaliland, waxa aan haambalyo iyo bogaadin udiraynaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland November13,2017, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyo Madaxweyne-kuxigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Seylici.

Waxa aan ilaahay uga baryeynaa in uu Ilaahay ku asturo, una fududeeyo xilka culus ee ay umaddiisu udooratay. Waxaa kale oo aan uhambalyeynaa Xisbiyada tartamay iyo shacabka Somaliland oo ucodeeyay sida nabadgelyada leh, waxaanu leenahay waad wada guuleysateen, Alla ha ‘adinku wado wanaaga aad hormoodka ku tihiin.

Waxaan Soomaalida kale meel walba oo ay joogaan ugu baaqaynaa in ay ku daydaan Somaliland, kuna taageeraan qadiyadooda.

Waxaa odayaasha hambalyada diraya horkacaya.

  1. Suldaan Arwax Maxamed Axmed, (suldaanka guud ee beelaha jarreerweyne ee Somaliland.)
  2. Siciid Xasan Aadan, gudoomiyaha jaaliyada
  3. Caaqil Yuusuf Maxamed Aba-nuur’
  4. Maxamed Cali Kabe, Afhayeenka Golayaasha dhaqanka iyo jaaliyada ee beelaha jarreerweyne.

 

ALLAA MAHAD LEH.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here