JAALIYADDA JABUUTI ee Somaliland oo Taageero Ah U Diray Guddomiyaha Xisbiga RPP u Qaabilsan Xaafadda 3aad

0
41

Hargeysa, Somaliland, June 12, 2014(Hubaal)-Jaaliyadda reer Jabuuti ee ku dhaqan Gobolada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhambaal isugu jira taageero iyo hambalyo u diray siyaasiga da’da yare e reer Jabuuti Md. Cabdilaahi Nuur Muhumed (Ticisi) oo 23-kii May 2014-ka loo dooratay Guddoomiyaha Xisbiga Talada haye (RPP) ee Xaafadda 3aad Magaalada Jabuuti.
kkmWaxa kaloo, Jaaliyada reer Jabuuti si weyn usoo dhoweeyeen isbedelka hoggaanka sare ee Xisbiga RPP ku talaabsaday, taasoo ah mid mustaqbalka wax ka bedeli doonta guulaha Xisbiga, sidaa darteed waxa Jaaliyadu hambalyo gaar ah u dureen hoggaanka Xisbiga RPP, oo ay ku amaaneen sida aanay uga baydh-baydhin dhabihii-siyaasadeed ee uu u jeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaacil Cumar Geele.
Ugu dambayntii waxa Jaaliyadda reer Jabuuti ee ku dhaqan deegaanada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay sheegeen inay taageero buuxda isla bar-bar taagi doonaad Guddoomiyaha cusub ee Xisbul-xaakimka dalka Jabuuti u qaabilsan Xaafadda 3aad ee Magaalada Jabuuti Md. Cabdilaahi Nuur Muhumed (Ticisi), iyaga oo sidoo kale ilaahay uga baryey inuu u dhibyareeyo gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday iyo masuuliyada culus ee dusha loo saaray.
Geesta kale, waxa Jaaliyadu ugu baaqeen masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga RPP, gaar ahaan hawl-wadeenada iyo shaqaalaha Laamaha Xisbiga ee Xaafadda 3aad inay wada-shaqayn fiican la yeeshaan Gudoomiyaha cusub Md. Cabdilaahi Ticisi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here