Hargeysa(Hubaal):- Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) ayaa been waliba luuqad lasoo dhoobdhoobay ku tilmaamay qoraal uu ku saxeexan yahay guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere oo ay guddida fulintu sheegeen inay xilkii kaga qaadeen. Jaamac Shabeel waxa uu sheegay in jagadaasi bannaan tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, ku dooday inuu sharci-darro ahaa go’aankaasi.
Jaamac shabeel oo maanta shir jaraa’id qabtay waxa uu sheegay inaanu jirin khilaaf u dhexeeya isaga iyo xisbiga Kulmiye, xisbiguna is haysan.