Cabdishakuur Raage waa ardey dhigta jaamacadda Hargeysa, sida oo kale waa mid ka mid ah dhallinyarada u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada, kana mid ah dhallinyarta qalinka iyo qoraalka, qoraal kooban oo barkulankiisa Faysbuug uu soo dhigay waxa uu ciwaan uga dhigay Columbia Hotel & Restaurent (Ex- University Of Hargeisa). Tiraabta uu innala wadaagay Cabdishkuur waxa uu innoogu sheegay, haddii jaamacaddii shicib iyo xukuumad ahaan la daryeellayn, lagu ilaalininayn ahaanshiyaha goob waxbarasho oo ka caagan qabyaalad iyo khilaaf, xil iyo danayn gaar ahna ardayda iyo cid kasta oo ku shuqul lihi iska saarayn, waxa fiicnayd in la i siiyo si Hotel aan uga yagleello.
Maaha in uu la jecel yahay in goob ganacsi laga dhigo, se waxa uu aad uga xun yahay in hoygiisii waxbarasho xaalkiisu sidaa noqdo.
Dib aan idiinku celiyo dhacdooyin hore, hilaaddii 2010 ayey ahayd, annaga oo ah koox dhallinyaro ah, inaannu iskugu nimid xuruntii hore ee Sonyo, ujeeddada isku kaayo keentay waxa ay ahayd in jaamacadda Hargeysa qalooca ku jira la na saxo.
Dhammaantayo waxa aannu ahayn kuwo waxbarashadoodii ka dhammaystay Jaamacadda, taas ayaa keensatay in aannu noqonno daneeyayaal ka mid ah jaamacadda Hargeysa, waxa aannu muddo wadnay daraasad ku saabsan khilaafka ka jira jaamacadda iyo wax yaabaha kale ee ku gaddaaman jaamacadda ee ay la dhaqaaqi weyday, waxa aannu ku kulmi jirnay meelo aad u kala duwan, waxa wakhti badan aannu ku bixin jirnay sidii wax aannu u hagaajin lahayn, waxa aannu la kulannay Wasiirkii hore ee waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, waxa aannu u soo bandhignay dhibaatada ka taagan jaamacadda, waxa ay la horumari la’dahay iyo waxa ay nala tahay in laga qaban karo, waxa dhacday in aan cidiba nala fahmin, wasiiradduna u jeedin in wax laga qabto jaamacadda, waxa ka mid ahaa hadalka wasiiradda “Imika ayaan websites ka akhrisanayaa in Dr Bulxan is casilay, maba ogi”.
Intaa kagama aannu hadhin, waxa aannu la kulannay dadkii asaaska jaamacadda lahaa, waxa intaa aannu kala hadlaynay in jaamacadda loo gurmado lana hagaajiyo.
Waxa noo muuqatay in nin kasta oo maamul ka haya jaamacadda uu noqday Madaxweyne, in horjoogayaasha kulliyadaha ay noqdeen kuwo wax kasta sameeya, si kasta u dhaqma, iyaga oo waliba lahayn aqoontii ay ku hoggaamin lahaayeen, in ay noqdeen kuwo marna aan laga furfuri Karin halka ay haystaan, kana yeellay maqaaxi ay iyagu leeyihiin.
Waxa aynnu ognahay in khilaafku maanta uu ka horreeyey, waxa aan ka mid ahaa ardaydii 2004-2005 jaamacadda ku biirtay, maamul ayaa ka jiray Cabdi Haybe Alle ha u naxariistee uu madax ka yahay, waxa jiray khilaafyo badan oo ka yimid madaxii maamulka iyo lacagta ee Madoobe, waxa ay keensatay in dhammaan xilka laga xayuubiyo oo koox Digtoor Bulxan hoggaaminayo loo dhiibo, isna waxa uu uga tagay khilaaf, Muuse Aadan ayaa isna yimid ka dib markii uu dhintay Muuse Cabdi Alle ha u naxariisto e’ isna waxa uu meesha ku baneeyey waa khilaaf.
Khilaafku mar walba waxa uu ka imanay in aan isbaddal laga rabin jaamacadda Hargeysa, haddii guddoomiye kasta oo la soo magacaabay is yidhaah isbaddal samee lagu kacayo, cidda ku kacaysaa waa madaxda kulliyadaha oo iyagu iska yeeshay meesha, xukuumaddii amarka socod siin lahayd iyaduna waxa ay lugta qabanaysaa guddoomiyaha markaa jooga, xukuumadda imika uu hoggaamiye Siilanyo iyadu waa ka sii xagjirtaa oo dan iyo muraad kama laha wixii halkaa ka dhaca.
Hoos aan u sii daadago, dhammaadkii 2014 ayaa annaga oo koox dhallinyar ah, u tagnay Wasiirka Qorshaynta, Dr Sacad Cali Shire, waxa aannu kala hadalnay khilaafka jira ee jaamacadda iyo sida xal loogu heli karo, Sacad isaga oo wasiir ah ayuu haddana yahay madaxa maamulka sare ee jaamacadda, is xog-waraysi ka dib waxa uu noo sheegay dhibka jira, khilaafku imika taagan waxa uu ka billowday, waxa kale oo xusid mudan in xogta aannu helanay ku jirtay jaamacaddu in ay laba luggood dhexdood ku dhimanayso, si toos ah uma hoos tagto dowladda, ma aha hay’ad si sax ah uga diiwaan gashan dowladda, ma aha hanti u diiwaan gashan dowladda, mana aha hanti cid gaar ah u diiwaan gashan, halkaa waxa ka muuqanaysa in sharci lagu maamulo jaamacaddu jirin.
Waxa xusid mudan in xitaa Wasiirka qorshaynta kala hadalnay haddii dadkii afka iyo dhallashada wadaagayey heshiin kari waayeen, in jaamacadda loo doono qof aqoon yahan ah oo ajanabi ah, taas waxaan uga dan lahayn in xal la helo oo dadkan isku muuqdaa kala qarsoomaan, in loo arko cid dhex ahi in meesha jirto, waan ognahay in ceeb qaran tahay in ajanabi xal noqdo se waa wadhaf ma lagu dayey.
Khilaafka imika jira, waxa soo kiciyey ka dib markii guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Dr Gaas uu warbaahinta uu galiyey in loo baahan yahay horjoogayaal xusub oo kulliyadaha hoggaamiya, taas ayaa waxa ay keensatay in madax badanni u shirto, waxa ay go’aan sadeen in Gaas lagu soo oogo in musuqmaasuq uu ku kacay oo tahay in la baadho, ka dib markii arrinku dibadda u soo baxay ayaa shir la qabtay, shirkaas waxa dib uga gurtay rag badan oo madax ka ahaa kulliyadaha, se waxa arrinkii eedaynta ahaa ku sii adkaystay Cadaad iyo Keyse oo kala hoggaaminayey kulliyadda Ganacsiga iyo kulliyadda Sayniska, waxa la gaadhay go’aan ah, in jaamacadda la baadho, loona diro odhit madax banaan, waxa heshiis lagu gaadhay haddii eedayntaa la helo in Dr Gaas meesha laga saaro, haddii lagu waayana in cidda eedda keentay meesha laga saaro, waayo? Eeddu waxay gaadhay ilaa qoys.
Baadhistii la sameeyey waxa soo baxday in ayna waxba ka jirin, laguna waayey Gaas, sidaa darteed ay noqotay in iyagii meesha laga saaro, khilaafka iyo kicinta ugu badan waxa ku kacay Cadaad, waxa jirtay in Keyse xitaa mar soo jeediyey sida warka ku hayo in khilaafka iska daayaan, sida oo kale na ayna ahayn dadkii ugu horreeyey ee meesha laga saaro, se cidda is hortaagay waa madaxii hore ee kulliyadda Sayniska.
Waxa hubaal ah oo intaa howsha aannu ku soo jirnay helnay in Dr Gaas uu wax badan ka qabtay horumarka jaamacadda, isaga oo gaadhsiiyey heer ayna hore u joogin, waxa tusaale ah, in Wasiirka qorshayntu laftiisu noo sheegay in xilliyadan dambe ayna marna dhicin jaamacadda oo lacag weyday, iyada oo horumar ballaadhan uu Dr Gaas ka sameeyey nidaamkii xisaabaadka.
Akhriste waxa aad is odhan kartaa magacyadan muxuu Xuseen-Mahdi u xusay, se waa mihim marka wax walba ay soo gaadhaan meeshii ugu xumayd in si dhab ah wax loo sheego.
Ayaan darrada meesha taal ayaa waxa ay tahay in dhallinyartii dalkan iyo dadkan iftiinka u ahaan lahayd arrimo khaldan loo adeegsanayo, bal is wayddii, dhallinyar ayaa weerartay jaamacaddii Hargeysa, waxa goobta ku sugnaa wasiirro ay ka mid yihiin Dr Sacad Cali Shire iyo Xuseen Caydiid, waxa wehelinayey madax kale, dhibaato badan ayaa loo gaystay, dad madax ah ayaa wax la gaadhsiiyey, haddana ciddaa dambigaa fashay lama soo qaban.
Arrimaha cajiibka ah ee soo baxay waxa ka mid ah, in dadkii la soo qaban lahaa ay xukuumaddu ka hor joogsatay in la soo qabto, mayna markaa dhibka meesha ka jira xukuumaddu qayb ka ahayn?. Haa waa hubaal in ay qayb ka tahay, khaladkii hore ee maalinkaa hore dhacay, waxa uu keensaday in mar labaad isaga oo ka sii dhib badan uu dhacay, haddii dhibku inta uu yar yahay la qaban waxa uu gaadhayaa meel aan laga qaban Karin, xalkuna waxa uu ahaanayaa mid fog, oo god dheer ku dhaca.
Ka soo qaad khaladka waxa leh Dr Gaas, sow maaha in lagu caddeeyo ka dib na xilka laga qaado? Maxay u dhici wayday? Xukuumaddu waxa ay tidhi waxa maqnaanshiyo loo diray Cadaad iyo Keyse, markii ay soo dhammaysteen, waxa haddana yidhaahdeen labaduba waa dibadda, sida oo kale Dr Gaas waxa laga aqbalayaa iscasilaadda uu soo gudbiyey, se waa sii haynayaa xilka inta qof kala wareega la helayo.
Hadday sidaa tahay maxay xukuumaddu u ilaalin kari wayday amniga jaamacadda, sida oo kale illayn fulin ayaa loo doortaye maxay amarkeedu u socon waayey?
Waa ayaan daro, waa ceeb, waana aafo qaran in goob wax barasho, iyo waliba jaamacaddii ugu waynayd dalka qabyaalad ka socon kari waydo, waa ceeb waana wajigabax xukuumadda la olag ah in jaamacaddii qaranku sidaa noqoto.
Waxa mihim ah in reeraynta laga ilaaliyo jaamacadda, waxa mihim ah in qabyaaladda iyo kala qubqubka laga dhowro oo aan loola iman, waxa mihim ah in ficilka gacan ka hadalka ah foolxumadana leh meesha laga saaro, waxa xal ah oo mihim ah in xukuumaddu daacad iyo niyad samaan ku waajahdo jaamacadda, waa in aan cid gaar ah lagu raalligalin wanaajinta jaamacadda, waa in aan cid gaar ah lagu naasnuujin burburka jaamacadda, waa in si caqliyadi ku jirto loo fikiro, haddii jaamacaddu xidhanto yaa wax ku waayaya? Yey faa’ido ugu jirtaa? Yeyse khasaaro ku tahay? Yey magac xumo ku tahay? Yaa se magac ka dheefaya? Waa wayddiimaad aan u dhaafayo shacbiga.
Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen