Jaamacadda Hargeysa Oo Go’aamo Kasoo Saartay Arday Lagu Eedeeyey Rabshadihii Ka Dhacay Xarunta UoH

0
27

Hargeysa:(Hubaal)-Jaamacadda Hargeysa, ayaa Go’aamo adag kasoo saartay Arday lagu eedeeyey inay ku lug lahaaayeen Rabshado dhawaan Xarunta Jaamacadda ka dhacay oo lagu waxyeeleeyey qaar kamid ah Guddida Hoggaamisa Jaamacadda.

Jaamacada hargeysaWar-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Cabdi Xuseen Gaas oo soo Gaadhay Wargeysa Hubaal, ayaa lagu sheegay Tallaabooyin Jaamacaddu Go’aansaday in lagu waajaho Arday loo aanaynayo inay abaabushay Dhibaato Xubno Guddoomiyaha Jaamacaddu ku jiro lagu waxyeeleeyey.

War-murtiyeedka Jaamacaddu ku qeexday Tallaabooyinka ay Ardaydaas ka qaadday iyo Go’aanka laga gaadhay, ayaa sidatan u qornaa.

War-murtiyeed

Ku:Dhammaan Daneeyayaasha Jaamacadda Hargeysa

Og:Taliyaha Ciidanka Booliska

Annagoo ah Maamulka iyo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa, Waxanu Halkan kusoo gudbinaynaa War-saxaafadeedkan:

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Bisha June,2015-ka, waxay Jaamacadda Hargeysa, Maamulkeeda iyo Guddida Sareba ay aad uga Xun yihiin in karaamadii iyo  Maamuuskii Jaamacadda iyo Mustaqbalkii ay dhisayeen ee Hagaajinta iyo Tayeynta Jaamacadda meel lagaga dhacay, taas oo ay ku kaceen Koox Arday ah, kuwaas oo geystay Fal Argagax leh oo sababay dhaawacyo iskugu jira Naf iyo Maalba.

Shalay(dorraad)oo ay taariikhdu ahayd 17-kii Bisha June,2015-ka, Saacaduna ahayd 10:15AM, ayaa waxa dhacay xarunta Jaamacadda Hargeysa in Hoolka Shirarka ee Kulliyadda Caafimaadka Goob-joogna ay ahaayeen Guddida Sare iyo Senateku.

Haddaba Dhacdadan Foosha Xun eek a dhacday Jaamacadda Hargeysa oo ahayd Markii ugu horraysay Taariikhda, una muuqatay fal abaabulan oo lasoo qorsheeyey Falanqayn iyo Rogrogid dheer Waxa ay jaamacaddu Go’aamisay Qoddobadan Soo Socda:

  1. Inay Abaalmariso Ardaydii Falkaas geysatay si waafaqsan Xeerka Anshax-marinta Ardayda ee Jaamacadda Hargeysa.
  2. In la eryey dhammaanba Kooxdii Ardayda ahayd ee Falkaas Geysatay laga Bilaabo Taariikdii falkaasi dhacay oo ahayd 17,6,2015.
  3. Inuu ciidanka Boolisku Waajibkiisa sharci guto, xil gaar ahna iska saaro ilaalinta Nabadgelyada iyo Kala Dambaynta.
  4. In Dhaawac-muujin loosoo sameeyo dhammaanba Masuuliyiintii dhaawacyadu kasoo gaadheen Falkaas.

Allaa Mahad Leh

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa

Dr Abdi Hussein Gass…………….

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here