“Jaamacadda Hargeysa Sanad Walba Waxa Ay Siisaa Beelaha Uu Barkhad Ka Soo Jeeddo Deeq Waxbarasho Oo Looga Sad-buriyo Dadka Kale”

0
16

Prof. Maxamuud Xuseen Faarax, Madaxa Kuulliyadda Sharciga Jaamacadda Hargeysa

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Oo Lagu Eeddeeyey In Uu Ceebbayn Iyo Dacaayad Ugu Abaal Guday Jaamacaddii Uu Ka Aflaxay Ee Waliba Macalinka Looga Dhigay

Hargeysa (Hubaal)-Prof. Maxamuud Xuseen Faarax Madaxa Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun oo dhawaan sheegay in macalin wax ka dhiga jaamacaddaasi uu kula kacay faquuq iyo bah-dilaad Isir, taasoo uu ku taxay dhacdooyin haybsooc oo uu kula kulmay qabiilka uu ka soo jeeddo.

Prof. Maxamuud Xuseen Faarax oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa xarunta Jaamacadda, ayaa intaasi ku daray in ay Jaamacaddu, gaar ahaan qaybta Sharcigu deeq waxbarasho siiso sanad walba beelaha uu ka soo jeeddo siyaasigaasi, isaguna (Barkhad) uu ka mid yahay dadkii ka aflaxay, iminkana Bare uu ka yahay.

Waxa uu tilmaamay in Deeqda waxbarasho qaab u sad-burin ah loo siiyo beelaha la haybsooco, hase yeeshee hadalka ka soo yeedhay Afhayeenka WADDANI uu abaal-ka-dar ku yahay Jaamacadda iyo cid kasta oo gacan ka geysata barmaamujka waxbarasho ee beelahaasi loo fidiyey.

“Jaamacadda Hargeysa sanad walba waxa ay siisaa beelaha uu Barkhad ka soo jeeddo deeq waxbarasho. Barkhad waxa uu kamid ahaa dadkii ka Aflaxay Jaamacadda ee aanu ku faanno oo mararka qaar wuxuuba igu yidhaahdaa Macalin meesha maxaa ku dhigay maad madax noqotid, markaa hadallada dhalinyarada deegaankiisa wax yeellaya ee niyad jebinaya aadbaan uga xumahay in uu maalintaas jeediyo” ayuu Prof. Maxamuud ugu caqli celiyey siyaasigan oo todobaadkii hore munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ka jeediyey weedho aad baraha bulshada loogu faafiyey oo muujinaya takoor iyo tacadi ka dhan ah Beelaha la dhaqan-faquuqo.

isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay Madaxa qaybta Sharciga Jaamacadda Hargeysa “Jaamacaddu waxay leedahay nidaam Sharci oo la raaco oo haddii Arday fasalka ku jira macalin dhibaato ka soo gaadho xataa hadday tahay hadal waxaanu leenahay xeer lagu anshax mariyo oo macalinkaa waanu ka joojinnaa. macalinkii uu yidhi Dhaxalkuu noo dhigi jiray ee uu tusaalaha u soo qaatay arrinkaas uu ku eeddeeyey wax jira ayey noqon wayday run ahaantii, haddii ay ka dhacdayna waxa ay ahayd Barkhad maalintiiba in uu halkan (Xafiiska) iigu keeno, markaa arrintaasi may fiicnayn xilligeediina maaha. sidaas darteed Barkhad waa in uu Dhalinyartoodii dib ula hadlo oo u sheego in jaamacaddani ay tahay meesha lagu soo dhaweeyo.”

Prof. Maxamuud Xuseen Faarax waxa kale oo uu sheegay in uu Siyaasi Barkhad fursad shaqo oo macalinnimo ah ka siiyey Jaamacadda “Barkhad xataa Macalinbaa halka uga dhignay oo Kooroska anigu aan dhigo ayaan siiyey, Macalinka uu ka cowdayna haddii aanu wax weydiin lahayn waa Nin Dhul-yaal (Bukaan ah)” ayuu raaciyey.

Geesta kale, xubno kamida Ardaydii ay Isku-fasalka ahaayeen Siyaasi Barkhad Jaamac Batuun oo warbaahinta la hadlay, ayaa cadeeyey in aanay jirin haba yaraatee wax dhibaato ah amma xad-gudub ah oo xilligii ay waxbarashada ku jireen Fasalka dhexdiisa loogu geystay Sarkaalkan iminka ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo todobaadkii hore ka hadlayey Bandhig lagaga hadlayey tacadiyada loo geysto beelaha uu ka soo jeeddo, ayaa shaaciyey handiddaado qaab qabali ah loogula kacay xilligii uu waxbarashada Jaamacadda ku jiray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here