“Jabhad Ka Baxday Gobolka Oo Joogta Xagga Itoobiya Ayaan Filayaa Inay Soo Qaadeen..”Badhasaab Ku-xigeenka Awdal

0
26

Boorame, (Hubaal)-Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo Badhasaab ku-xigeenka Gobolkaa Cabdi Nuur Sugaal, ayaa sheegay in weerarka habeen hore lagu qaaday Saldhiga Booliska Boorama  uu ahaa mid sahlan, isla markaana wax khasaare ahi ka dhalan.

Masuuliyiinta oo shalay u waramay warbaahinta ayaa eeda falkaasi dusha ka saaray Suldan Wabar. Ugu horayn Maayarka oo halka ka hadlay ayaa sheegay in falkaa la buunbuuniyay. Waxaanuu yidhi, “Horta Rasaasi way dhacday laakiin, sida loo buunbuuninayo may ahayn, Ciidanka Booliskuna kolay wax way rideen, markay maqleen Shanqadha xabbadda dhinaca kale laakiin wax weyn may ahayn ee markii Xabbadda Ciidanka ay maqleen meesha way ka yaaceen, laakiin, wax wayn oo dhacay oo la odhan karo wax khasaare ah ayaa dhacay ma jirto” ayuu yidhi Mr Xaddi.

 Badhasaabka-457x250-150x150

Sidoo kale, Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal ayaa eeda falka dusha ka saaray Suldaan Wabar, islamarkaana bulshada ugu baaqay inay ilaashadan nabada, waxaanuu yidhi,“Waxaynu kaga horumarsannahay dadka kale, waa nabada, inkastooy Somaliland nabad tahay, gaar ahaan gobolka Awdal wuxuu ahaa meesha ugu nabada macaan, waxaanan leeyahay ha la ilaaliyo nabada, Imaamyada, aqoonyahanka, indheer garadka  iyo salaadiintu ha ka hadlaan iyaguna arrimaha jira.” Wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi, “Arrinta habeen hore dhacay, waxay dhacday abaaro 2:00 habeenimo, rasaas dhacaysa ayaanu ku war helay, weerarkii ka soo qaadayna laguma guulaysan oo wax khasaar ahi kamuu dhallan, waxaanse leeyahay ha la ilaaliyo nabadgalyada dadweynuhuna ha soo sheegaan hadii ay arkaan wax dawlada duulaan ku ah.Kolay waxaa jirta jabhad ka baxday gobolka oo joogta xaga itoobiya ayaan filayaa inay soo qaadeen, wax khasaare ahna lama sheegin.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here