Lawyacado(Hubaal) Xuduudka Lawyacado ee u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Somaliland ayaa xidhan maalintii saddexaad, iyadoo ay durtaba gaadheen saraakiisha ugu saraysa dhinaca Amniga Somaliland, halka ay manta dhinaca Jabuuti ka iman doonaan saraakiil kale.
Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey in labada Dal qabaan Tuhun la xidhiidha in magaaladaasi ay ku sugan yihiin kooxo looga shakisan yahay Amaanka Dala Jabuuti, xogtaas oo la sheegay Dawladda Jabuuti inay ka heshay dhinaca Somaliland.
Dawladda Jabuuti ayuu warku sheegay inay usoo dirayso manta magaaladda Lawyacado saraakiisha kala ah Taliyaha sirdoon Xasan Qayre(Madoobe) Iyo Taliye xigeenka booliiska C/raxmaan X Cali, halka ay Somaliland kaga sugan yihiin Wasiirka Dibu dajinta Axmed Cali Kaahin iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga Qaranka.
Labada Dawladood ayaa la sheegayaa inay manta Lawyacado ku samayn doonaan Bandoo iyagoo guri guri u baadhi doona, si ay u hubiyaan warka dhinaca Sirdoonka ah ee la sheegay in uu soo baxay, kaasoo sheegaya cabsi ka dhalatay kooxo aan illaa hada la aaqoonsan oo la sheegay qaarkood inay magaaladda ku sugan yihiin kuwo kale na ku soo socdaan.
Xidhitaanka Xadka Magaaladda Lawyacado ee u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti waxa sadexdii cisho ee u danbaysay ka taagan dhibaato baaxad leh oo la soo daristay dadka socotada ah, waxaana labada dhinac la sheegayaa inay ku xaniban yihiin dad badan.
Dawladda Jabuuti ayaa dhawaan xidhay xadka kadib markii laba qof isku qarxiyeen mid ka mid ah Huteeladda Caasimadda Jabuuti, hase yeeshee shuruudo iyo awaamiir cusub oo adkeeyey isku socodka labada dhinac ayaa lagu sii daayey dadka haysta baasaaboorada sharciga ah
source:waaheen