Hargeysa (Hubaal) musharaxa madaxweyne ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka UCID mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo fashilka ku yimid siyaasadda guud ee arrimaha dibedda Somaliland,taas oo uu sheegay xukuumaddu inaanay daacad ka ahayn jiritaanka iyo qadiyada dalka,gaar ahaan wada hadalka ay kula jirto dawladda Somalia oo iyadu sheegtay inuu hakad ku yimid,waxaana uu Jamaal Cali dhaliilay hadalkii safiirka Somaliland u fadhiya Kenya mr Sifir oo Jimcihii na dhaafay ka hadlay dood idaacada VOA u qabatay siyaasiyiin oo lagaga doodayay wada hadalada labada dal,musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal uu kaga hadlayo arrintan oo bartiisa uu ku leeyahay Facebook-ga uu soo dhigay u dhignaa sidan:
Arrinkan imika ay yidhaahdeen waanu hakinay wadahaladdii Somaliland iyo Somalia waa ciyaar siyaasadeed ay indhaha iskaga jeedinayaan dhibaatooyinka
Waxaa jirtay inuu wareysi bixiyey Wakiilka Somaliland u fadhiya magaaladda Nairobi, ee dalka Kenya safiir Maxamuud Jaamac (Sifir) oo uu siiyey idaacadda VOA Somali oo weliba wareysigaasi aan haddana ka akhristay Wargeyska Geeska Africa ee ka soo baxa magaaladda Hargeysa.
Intaanan wareysiga gelin. Mudane Maxamuud Jaamac Sifir waa shakhsi aan in badan aqaaney ilaa markuu dalka Marayekanka magaaladda New York uu uga shaqeeynaayey Qaramadda Midoobey; ee aaniguna degannaa magaaladda Boston ee cariga Maraykanka Sagaashamaadka horaantiisii. Ka dibna waxaanu isugu nimid dalka Kenya oo aan aniguna sanadaddii 2003kii u soo guuray oo ka shaqeeynaayey; halku uu isaguna ka mid ahaa dadkii ka shaqeeynaayey shirkii Soomaalida markii danbena uu Raysal Wasaare Ku xigeen iyo wasiirba ka noqday dawladdii Cabdillaahi Yussuf.
Waa nin mutacallin ah oo in badan ka shaqeeynaayey Qaramadda Midoobey, oo aanu marmarna ku kaftami jirnay Nairobi anigoo difaacaya qadiyadda Somaliland oo uu isagu ka soo horjeeday xilligaasi inkastoo ka dib uu is badelay la yidhi. Waa nin hawl gab ka soo noqday shaqadaasi Qaramadda Midoobay.
Intaanu siyaasadda Somalia madaxa la gelin wuxuu ka soo mid noqday Xisbigga Kulmiye isagoo Somaliland jooggay oo doorashaddii u horeysay ee Daahir Riyaalle ku guuleystayna maroora dilaacii la tegay koonfur. Haddaba waatii intii Kulmiye qabsaday la yidhi qadiyaddii Somaliweyn wuu ka soo noqday oo ay dawladeenu Safiir uga dhigatay meel halbowle u ah qadiyadda Somaliland.
Waxaa haddaba aad ii soo Jiitay oo aan liqi kari waayey wareysigaasi uu siiyey VOA da ee lagu weydiiyey su’aasha ah: Sababta uu u badelay mawqifkiisa Somaliweyn; waxaanu kaga jawaabay ereyadani, waxaanu yidhi Safiirku:
” Somaliya ayaan ka qeyb galay mar, wax badana iskamay kay bedelin, ee Somaliland waxa aanu isku qabanay oo aan ka diiday mar walba waxa ay diideen wadahadaladda, markaas imikana wadahadaladdii ayey ogolaadeen, mar haddii ay wada hadaladdii ogolaadeena waxa aan ku diidanaa meesha wey ka baxeen”! Bal idinku hadalkaasi micneeya; hadda waa ninkii dhamaa ee safiirka ahaa ee qadiyadda Somaliland iyo ictiraafka inuu inoo keeno ay ahayd.
Ma waxa qudha ee uu inoola jooggaa Somalia ayeeynu la hadlaynaa? far weyn baa ku godan hadalkaasi iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ee shacabka lagu wareerinaayo.
Marka ay ka hadlayaan Wadahaladda Somaliland iyo Somalia waxay si toos ah mar walba warbaahinta ugu sheegaan dawladda Somalia in midnimaddii Somalia ay wadaan halka ay Somaliland aanu mawqidkeedu cadeyn; runtiina 9 jeer oo ay kulmeen ay ku soo afmeerantay niyad jab iyo halkii aynu joognay markuu madaxweyne Daahir Riyaalle xilka ku wareejiyey oo ay maanta qadiyadeenii ka hooseyso.
Dawladdani weli hunguri baa kaga jira wadahadaladda Somalia; waadna aragteen falalkuu ku kacay madaxweynahii Somalia.
Anigu shakhsi ahaan waxaan rumeysnahay in aanay xukuumadeenu daacad ka aheyn qadiyadda Somaliland; runtiina aaney dooneynin in Somalilandba ay iyaga ka danbeyso,;
Taasi daliilkeedana waxa ah inay yidhaahdeen markay Kulmiye xukunka qabsadeen inay badeleen siyaasaddii arrimaha Dibadda ilaa imikana inoomay sheegin waxay ku badeleen oo shantii sanadood ee ay xukunka joogeena inagu wareeriyeen wadahadalo iska ah maaweeladda caruurta. Iyo weliba masuuliyiin kolba kala hadlaya oo nidaam dawladeed oo wasiir walba ka jawaabayo siyaasadda arrimaha dibadda.
dul hoganaya imika oo la doonayo in indhaha shacabka loogu jeediyo wadaninimo.
Waar ma nimanka iyagoo aan ogeyn agendaha shirka iyo cida imanaysa iska tegay Turkiga ee shaqadoodu ay ahayd inay hawlahaasi bil ka hor intaan shirka laysugu iman inay ka shaqeeyaan baynu ka dhegaysanaa oo weliba jidadka magaaladda loo xidhaa oo la soo dhaweeyaa. Iyaguun baa isa soo dhaweeyey si ay ugu qariyaan fashilaaddii halkaasi ka soo gaadhay.
Laakiin shacabka wada indhaha ah ee Somaliland ayeey u taallaa arrintaasi oo ilaashanaya Qadiyadooda. Ilaahay Somaliland ha barakeeyo.