Hargeysa (Hubaal)-Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, aanu Golayaasha Sharci dejinta hor keenin Heshiisyada uu la galo Shirkadaha Caalamiga ah, waxaanu Golayaasha Sharci dejinta ugu baaqay inay la xisaabtamaan Wasiirka Macdanta iyo Xukuumaddaba, waxaanu kula taliyey Golayaasha Sharci dejinta in heshiis walba oo Xukuumaddu la gasho Shirkadaha Caalamiga ay si toos ah u soo maraan iyaga, si loo ilaaliyo kheyraadka Dalka iyo si loo ogaado Heshiisyadaas,
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la hubiyo Shirkadaha Dalka imanaya, si loo ogaado, waxa ay u socdaan iyo inay yihiin Shirkado Caalamiya, waxaanu ka digay in haddii la iska hubin waayo inay dalka dhib u horseedayaan.
Jamaal Cali Xuseen oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Heshiisyo ayuu la gala Shirkadaha Caalamiga ee dalka Macdan ka baadha, heshiisyadaas ma soo maraan Golayaasha Sharci dejinta, Heshiiskaasi waxa alaale wax uu ku saabsan yahay lama oga, waa Heshiis qarsoon, iyada oo xitta qaar ka mid ah Xukuumaddu ay yidhaahdaan maaha in la hor geeyo Golahayaasha Heshiisyada lala galo Shirkadaha Caalamiga ah, balse waxa aan Golayaasha Sharci dejinta ugu baaqaya inay la xisaabtamaan oo ay u yeedhaan Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo ay ogaadan Heshiisyada uu la galo Shirkadaha Caalamiga ah ee Macdanta, maxa yeelay xaq ayey u leeyihiin in Heshiis walba oo ay Xukuumaddu gasho Shirkadaha Caalamiga ah iyo Heshiis walba oo ay Xukuumaddu gashaba inay soo maraan Golaayasha Sharci dejinta, si loo ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeynta iyo kheyraadka dalka, balse maaha in si gaar ah Xukuumaddu Heshiis ula gasho Shirkado”.
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID mar uu ka hadlaayey Shirkada dalka yimaada iyo waxyaabaha ay u socdaan iyo doorka Golayaasha Sharci dejintu ku leeyihiin ayaa yidhi “Shirkadaha Dalka imanaya ama yimadaa, ha ahaadaan Shirkado u socda Baadhis Macdan iyo Shirkado u socda Baadhis Shidaal, waxa haboon in marka hore la iska hubiyo, oo la ogaado Shirkadahani ma qaar Sharci Caalamiya haystaa, ma Shirkado aan la aqoon baa, mise waa Shirkado doonaya inay kheyraadka dalkeena si tuuga ah ku gurtaan, waxaas oo dhan in la hubiyo ayaa loo baahan yahay, haddii kale waxa inagu dhici doonta sidii ay u Shirkadii baadhista waday ay iskaga baxday, waxa kale oo dhici karta in xittaa dalka gabigiisaba la wada bixiyo, oo haddii aynu helno aqoonsi Caalamiya, aynu awoodi kari weyno in dalkeena ka celino Shirkadaas oo Shirkada waliba meel sheegato, Kheyraadkeena la gurto, markaas waajibka, ilaalinta hantida Qaranka iyo heshiisyada lala galayo Shirkadaha waxa xaq u leh Golayaasha Sharci dejinta in la hor keeno oo la ogaado, si ay u saxaan wixii khaldan”.
Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anagu waxa aanu nahay Mucaarad, Mucaaradkana waxa looga baahan yahay inay saxaan oo ay toosiyaan wixii dhaliil ah ee jira, mana doonayno in aanu eegno wixii dalka iyo dadkaba dhib ku ah, dhibaatana ka iman karto mustaqbalka, in Dhaqaalaha iyo Kheyraadka dadkeenana la ilaaliyo ayaa wacan”.