“Faysal Saddex sanaadood Buu musharrax iigu yeedhayaye muxuu hore u odhan waayey Xisbiga waa lagu tartamayaa, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa Hunguri wedkii ma arko….”Jamaal Cali Xuseen.
Hargeysa:(Hubaal)-Musharraxa Socod-baradka ku ah Saaxadda Siyaasadda Md Jamaal Cali Xuseen, ayaa si weyn uga muusa-naabay Khilaaf uu sheegay inuu isaga iyo Guddoomiye Faysal Cali-waraabe u dhexeeyo, waxana uu ka digay Shaki la geliyey Musharraxnimada Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid oo Saddex sano kahor loo cumamaday.
Jamaal Cali Xuseen oo Geeddi Gaabis ah Dhinaca Siyaasadda ugu soo guuray dhawaan, ayaa maalintii shalay Qaylo af labadii alwaday, waxana uu eedo kulul dusha ka saaray Guddoomiyaha Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu sheegay inuu Musharraxnimadiisa ka guurayo.
Jamaal Cali waxa uu sheegay inaanu Guddoomiyuhu wax awood ah u lahayn cidda Xisbiga Ucid Musharraxa ka noqonaysa, isla-markaana aanu beddeli Karin musharrixiinta Xisbiga,
“Guddoomiyuhu awooddiisii buu ka tallaabsaday, awooddiisana ma aha cidda musharaxa noqonaysa iyo cidda aan noqonaynin. Xisbigiina waxa uu u kala qaybsamay hoggaanka Xisbiga iyo Musharrixiinta. Guddoomiyahana waxa laga doonayaa inuu Xisbiga Dhiso’e ma aha Musharrixiinta, laakiin Xisbigii waxa qoorta iskaga duubay Guddoomihii oo uu dhaqaaqi la’yahay. Nin musharrx ahna ma beddeli karo, nin musharrax ahna ma keeni karo.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Isagoo Hadalkiisa sii wata, waxa uu eedo dusha ka saaray Musharrixii ku-xigeenka u ahaa oo dhawaan Markii xilkaas ka tegayey Jamaal Laftiisa sii hiiraamay, waxana uu si ku-tiikh-tiikhsi ah u sheegay inaanu is-casilaadiisa usoo gudbin, waxana uu yidhi,
“Saaxiibkay Cabdirashiid Xasan Mataan, marka uu Warqadda Is-casilaadda iisoo gudbiyo ayuun baan Jawaabteeda siin doonaa, kumana waafaqsani inuu Xisbiga Ka Cararo’e inuu ila dagaal galo Ayaan jeclaa oo aanu tareenka igaga degin.”
Isagoo calaacalkiisa sii wata Mudane Jamaal, kana warwarsan Awoodda Caataysan ee uu Xisbiga ku dhex leeyahay, ayuu ku af-gobaadsaday inuu sugayo natiijada kasoo bixi doonta Waan waan uu sheegay in Cabashadiisa laga galay,
“Maanta waan-waan baa jirta oo aanu ka midho sugaynaa, taas oo xisbiga Gudihiisa ka socota iyo mid dhaqan ah oo iyaduna socota, wakhtigeedan waa siinaynaa, waana halkii aanu Cabdirashiid ku kala hadhnay oo uu lahaa aynu maxkamad geyno.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Mudane Jamaal oo ka gubtay Hadallo Guddoomiye Faysal Cali-waraabe ka sheegay cidda musharraxa u noqonaysa Xisbiga Ucid, aya mustaxiil ku tilmaamay in Tartan lala galo, waxana uu yidhi,
“Maanta waxa la marayaa in nimankayagii saddexda sanadood musharrixiinta ahaa in la yidhaahdo waa la idin dhacayaa maalin cad, laakiin annagu waanu dagaallamaynaa oo ka yeelli mayno. Haddii la qaban waayana waxa ay nagu kallifaysaa inaanu musharrixiintayadii aanu xisbigayagii iska dhisano oo aanu ololahayagii Qabsano.Tartanka la gelayaa waa maxay, Haddii la iyidhaahdo Maantana markale ayaa tartan lagula gelayaa Dee Kulmiye-na Hallala Galo oo Dalkuba Fawdo ha noqdo.”
Jamaal Cali Xuseen waxa uu libin ka dhigtay in sanado badan uu Guddoomiye Faysal Cali-waraabe ugu yeedhi jirey Musharrax, balse uu haatan taas ka waayey, isagoo Xisbiga Kulmiye-na ku shaambadeeyey eedo cusub oo dhibka isaga(jamaal)haysta la xidhiidha,
“Guddoomiyuhu Saddex sanaadood Buu musharrax iigu yeedhayeye muxuu hore u odhan waayey Xisbiga waa lagu tartamayaa, Maantase waxa keenay Burbur uu Xisbiga Kulmiye Dabada ka wado, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa Hunguri wedkii ma arko.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Buuqa iyo Qayladdan kasoo yeedhay Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka dambaysay Hadal dhawaan kasoo baxay Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo sheegayey in Musharraxnimada Jagada madaxweyne ee Xisbiga Ucid tartan loo geli doono, isla-markaana aanay cid gaar ah u xidhnayn.