Jamaal Cali Xuseen Oo Dhaliilo Kala Duwan U Jeediyey Xukuumadda KULMIYE, Farriin-Na U Diray Guurtida

0
33

Hargeysa (Hubaal)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa ku eedeeyey xisbul-xaakimka ee KULMIYE inuu dabada ka riixayo muddo-kordhin ka badan sannadka Komishanku sheegeen, isla markaana aannu xisbiga talada hayaa diyaar u ahayn doorasho ah.

Murrashaxa madaxweynaha ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku sheegay in xisbiga KULMIYE siyaabo kala duwan uga hadlay muddada cusub ee loo qoondeeyey qabsoomidda doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ah 1 June 2016.

Jamaal Cali Xuseen“Si weyn bay u muuqatay in ay wax badan qarinayeen, kana mowqif duwanaayeen toddobaad ka hor hadalkii ay yidhaahdeen hadda waa isla KULMIYE. Ilaahay baan idinku dhaarshee bal xisbigan KULMIYE ee markii Gudidda Doorashooyinka qaranku soo saaray go’aanka 1 June 2016 markiiba oggolaaday iyo maanta siday u hadlayaan miyaanay laba kala duwan ahayn? War illeyn annagaa wax aragnay! Waar sidee bay u doonayaan inay haddana dadka cod kale uga raadsadaan kol haddaanay gebi ahaanba madaxda xisbiga KULMIYE ixtiraameyn ereyadii ay toddobaad ka hor lahaayeen?

Tolow ma caqligga ummadda ayey caayayaan? Toddobaad ka hor waxay ina yidhaahdeen 1 June 2016 waanu ku qanacsan nahay, haddana markii ay la kulmeen Guurtida waxay ina yidhaahdeen; “Waxaannu ku nidhi Guurtida xilliga ugu macquulsan sameeya doorashada. Maadama aanay Golaha Wakiilladu sameyn xeerkii lagu dooran lahaa iyo saami-qaybsi kuraasta Baarlamaanka gobollada dalka loo qaybsanayo.’ Weger, waa mid hor leh oo kolba hagardaamooyinka iyo jid-gooyada KULMIYE oo kolba soo if baxaysa oo ma sannad iyo dheeraad baan lagu sameyn karin xeer yar? Immikana ma kordhin bay ku rabaan kale in loogu sameeya xeerka lagu dooranayo mudanayaasha Baarlamaanka oo ay rabaan in uu sii jiitamo oo KULMIYE cimri dherer ka sii qaado? Waar ma kuwan baa doorasho-doon ah? Way muuqataa in KULMIYE ka quustay inay markale kursiga ku tartamaan, kol hadday halkaas marayaanba.

Haddaba, waxa soo shaac-baxaya shirqoolkii KULMIYE ee muddo-kordhinta oo ahayd sidatan;

Marka hore inay xisbiyada qaranka ku raacaan sannad kordhis ah oo uu keenay caqabado farsamo (technical) markay intaasi ka saxeexdaan xisbiyada iyo shacabkana oo aan khilaaf ka dhicin

In ay haddana Guurtida galagalaystaan oo sannad kaloo ay wax kale ku marmarsiyoodaan sameeyaan.

KULMIYE ha ku biyo cabbo; haddii sannadkii la iska kordhiyey ee iyagu jallaafada 2013-kii u dhigeen uu u shaqeeyey inay mucaaridka iyo shacabkaba ka go’an tahay in wax kale aanay aqbali doonin; haddiiba KULMIYE intaa Guddida Doorashooyinku cayimiyey in ka badan loola yimaad waxa u qorsheysan Isbahaysiga Mucaaridka inay iyaguna ka noqdaan sannadkii hore la isugu ogaa oo aynu dib ugu noqonayno 26 June 2015, maalintaasna uu xilkii ka dhammaaday Siilaanyo. Haddii Madaxweynahu ka dhego adaygo wada-tashi maalinta uu xilku ka dhammaanayana ka horna in dhamaan laysugu horiman doono aqalka madaxtooyada hortiisa 26 June 2015,” ayuu yidhi Jamaal.

Sidoo kale, waxa uu talooyin u diray Golaha Guurtida, waxaannu yidhi; “Guurtida waxaannu kula talinaynaa in nabada dalka ka shaqeeyaan iyo isku tanaasulka.Siilaanyo bilaa buuq ayaa sannad loogu kordhiyey maanta, iyadoo ay farsamo daraadeed tahay; Riyaale-ba farsamo darteed marka loogu kordhinayo buuq baa ka dhalan jiray oo dad baa ku dhiman jiray oo weliba masuul ka ahaan jiray KULMIYE.

Haddaba, markii KULMIYE ku fadhiistay kursiga maanta ballamahoodii kuli been bay wada noqdeen; markaasaa weliba bilaa buuq haddana loogu kordhiyey; markaasay haddana sii kibrayaan. KULMIYE ha ogaado in aan markan sannadkii loo kordhiyey in ka badan marnaba la yeeli doonin.

Somaliland dimoqraadiyad iyo nabad ayey adduunka kaga rabtaa ictiriaaf; labadiina shacabku idinka oggolaan maayo inaad sidaad doontaad aad ka yeeshaan. Guurtidu ha ogaato; “Karis xun iyana wax ku la!” Maanta go’aanka Guurtida iyaguun baa ka masuul noqonaya waxa ka yimaad, shacabkuna waa daawanayaa. Allahayoow sidii suubban garansii,” ayuu murrashaxa UCID ku soo gunaanaday qoraalkiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here