Jamaal Cali Xuseen Oo Farriin Ku Jihaysan Marxaladda Lagu jiro U Kala Diray Jilayaasha Siyaasadda JSL

0
22

Hargeysa (Hubaal)-Musharraxa Jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa maalintii shalay dalka lagu soo dhaweeyey, waxaana uu ka Hadlay Xaaladda haatan dalku ku jiro iyo sida looga Bixi karo. Aqoonyahan Jamaal oo soo dhaweyntiisa ay ka qaybgaleen Saraakiisha sare ee Xisbiga UCID, Taageerayaasha Xisbiga, Xildhibaanno iyo Saaxiibo kale oo uu leeyahay, ayaa saxaafadda kula Hadlay Garoonka Cigaal International Airport, waxana uu ku dheeraaday baahida loo qabo in hoggaamiyayaasha siyaasadda waddanku ay go’aan la isku raacsan yahay ka gaadhaan Muddo-kordhinta loo samaynayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo haatan cimrigeedu gebogebo yahay.  Jamaal Cali XuseenAqoonyahan Jamaal waxa uu ugu horrayn si weyn usoo dhaweeyey raalligelintii uu dhawaan Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ka Bixiyey Khalad uu hore galay Siyaasiyiin uu Jamaal kamid ahaa,  “raalligelintii Madaxweyne Rayaale sameeyey sharaf bay noo tahay, waana aqbalnay waana soo dhaweynaynaa, waxana aanu leenahay waa tallaabo dalkeena dhif ku ah oo qaladka in la qirtaa ma dhacdo, Madaxweyne Rayaalena Tusaale ayuu mudan yahay.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.  Waxa kale oo uu Jamaal ka Hadlay Heshiiskii dhawaan Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumaddu  wada gaadheen oo aan wali fulintiisii la gudo gelin, waxana uu Shaki ka muujiyey sida ay Xukuumadda uga dhab tahay Hirgelinta Heshiiskaasi, waxana uu yidhi,“iyadoo ay xukuumaddu haddii aanu axsaabta mucaaradka nahay ay heshiis nala gashay, isla-markaana ay muddo-xileedkii madaxweynaha wax toddobaad ka yari ka hadhsan tahay, waxan aad uga xumahay in inagoo bil ramadaan galnay oo aanay ahayn inaynu siyaasad ka hadalno inaanu madaxweynihii wali arrintaas degreeto kasoo saarin oo uu taas diidan yahay, Haddii Arrintani sii socotana waxanu u qaadanaynaa innaanu madaxweynuhu doorasho doonaynin guurtidana ay wax isla ogaayeen Xisbiyada qarankana  la khiyaameeyey.”  Aqoonyahan Jamaal waxa uu sheegay in haddii la gaadho 26-ka  bishan June  ee aynu ku jirno oo ah   xilliga ay madaxweyne siilaanyo  muddo-xileedkiisu ku egtahay, isla-markaana aan madaxweynuhu intaas soo saarin  degreeto uu ku meelmarinayo heshiiskii dhawaan la wada gaadhay ay  ka aamin-ka baxayaan Xukuumadda,“Haddii 26-ka june aanu wax  cad weyno waxa aanu u qaadan doonaa inaan la aamini Karin Dawladdan wax kastoo lagula heshiiyaba, Dawladdanina aanay dawlad Doorasho doonaysa ahayn.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.  Jamaal waxa uu talooyin u jeediyey madaxweynaha iyo saaxiibaddiisa sida gaarka ugu dhaw, waxana uu yidhi,“madaxweynaha hoggaamin baanu ka sugaynaa inta madaxweynaha ku xeerrana waxanu leenahay inaanay madaxweynahooda kashifin.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here