Hargeysa:(Hubaal)-Jamaal Cali Xuseen oo ah hogaamiyaha garabkii ka go’ay xisbiga UCID, ayaa ka hadlay xubnihii ka tirsanaa garabkiisa ee maalintii shalay ku dhawaaqay inay ku biireen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.
Waxaana uu Jamaal Cali Xuseen ka dhawaajiyay in gudidii garabkooda u qaabilsanayd wada hadalada ay la fureen xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay kala jabeen,waxaana uu sheegay in xubnahaa ku dhawaaqay inay ku biireen xisbiga WADDANI aanay matalin garabkooda isaguna aanu shakhsiyayn kula soconin go’aanka kooxdaasi qaadatay.
Jamaal oo ka jawaabay idmaneyaasha uu dirtay ee go’aansaday inay WADDANI la midoobaan, ayaa waxa hadalladisii kamid ahaa,“Runtii way dag-dageen ragaasi,gudidii ayaa kala jabtay markaa inay nimankaasi deg degaan oo dadka afduubaan may ahayn,markaa meel aanu ku biirnay ma jirto oo aniga oo ah hogaamiyihiina markaas waa inaan go’aan qaataa hadii la kala jabay sidaas Ayaan ku wargalinayaa,laakin go’aan garabkayga ah ma aha go’aankaasi waa go’aan shakhsiyaad kamid ah garabkaygii hadii ay go’aan qaateena iyaga ayay jirtaa”sidaas ayuu yidhi jamal Cali Xuseen.
Si kasteba ha ahaatee garabkii uu hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen ee wada hadalada kula jirey axsaabta WADDANI iyo KULMIYE ayaa wakhti xaadirkan u kala jabay laba dhinac kuwaasi oo qaarkoodna ay shalay shaaciyeen inay ku biirayaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, halka dhinaca kalena aan la garanayn cida ay ku biirayaan balse loo badinayo inay KULMIYE la midoobi doonaan.