Jamaal Cali Xuseen Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yahay La Qaatay Mas’uuliyiin Kasoo Jeedda Deeggaanka Guddoomiyaha UCID

0
29

Qoddobada Ugu Muhiimsanaa Kulanka Dhex Maray Golaha Qalinka Daa’uud Iyo Musharraxa Madaxweynaha UCID

Hargaysa:(Hubaal)- Musharraxa Jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa kulan la qaatay urur ay ku bahoobeen aqoonyahanno kasoo jeedda Beellaha Daa’uud Ismaaciil [Ciidagale] oo magaciisa la yidhaahdo Qalinka Daa’uud. Ururkan oo firfircooni ku leh beesha uu ka dhisan yahay dhexdiisa isla markaana hawlo samofal iyo wacyi gelin isgu jira ka shaqeeya ayaa Musharraxa UCID kulan gaar ah kula yeeshay habeen hore hotelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa halkaas oo ay kaga wada xaajoodeen arrimo ku taxalluqa xaallada siyaasadeed ee dalku jiro waqti xaadirkan, gaar ahaanna khilaafka ka dhex aloosan isaga iyo guddoomiyihiisa Faysal Cali Waraabe.jamaal cali xuseen

Kulankan, ayaa daba socday mid dhiggiisa ah oo Golahan Qalinku la yeesheen isagana Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe  toddobaadkii hore, kuwaas oo ay sida HUBAAL u tibaaxeen ilo wareedyo u dhuun daloolaa ay labada dhinaca kaga wada hadleen arrimo khuseeya sidii xisbiga UCID uu xaallada uga bixi lahaa.

Kulanka Jamaal iyo Dhalinyaradan

Iyada oo laga war qabo in  guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo ah shakhsiga ay xurgufta siyaasadeed waqtigan ka dhex taagan tahay isaga iyo Musharrax Jamaal, ayaa kulanka habeen hore waxaa nuxurkiisa ugu muhiimsanaa xogwaran uu Musharrax Jamaal gartiisa ku akhristay oo uu kaga warramay   xaaladda Xisbiga UCID iyo xaaladdihii ay kala soo dabaasheen waxaanu sidoo kale ka hadlay Khilaafka haatan ka dhex-taagan isaga iyo Gudoomiyaha Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sheegay in Hankiisa Musharax-nimo weerar xoogan lagu soo qaaday oo daba-ka-wadaan dad cabsi qabo inay Musharax-nimadiisu saamayn taban ku yeelato. Waxa uu intaas ku daray inuu Aqoon-yahanka Beelaha Ciiddagale uu marti uga yahay inay taageero buuxda u fidiyaan Wakhtigan adag,isaga tilmaamay inuu Beesha uu kasoo jeedda ay si buuxda u taageersan tahay,si weyn-na uu ugu rajjo-qabo inuu kusoo baxo Jagadda Madaxweyne ee Doorashadda soo socota la filayo inay dalka ka qabsoomaan Bilawga Sannadka 2017-ka.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Xubno ka tirsan Aqoon-yahanka Qallinka Daa’uud ay halkaas ku weydiiyeen Su’aalo dhawr ah uu ku tacalluqa xudunta Khilaafka Xisbiga,waxaanay Ilo-wareedyadda ay Oodweynenews soo xigatay ay intaas ku darayaan inay Cabashadda Jamaal Cali Xuseen ay ka garaabeen Dhalinyaradda Ururka Qallinka Daa’uud ee uu Kullanka la qaatay,waxaanay si buuxda ugu ballaan qaadeen inay taageersan yihiin Musharax-nimadiisa,isla markaasna waxii dhinacoodda kaga soo hagaaga ay la qaban-doonaan. Kulankaas,ayaa kusoo afjarmay Jawi degan iyo is-afgarad Wanaagsan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here