Hargeysa (Hubaal) Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa sharci daro ku tilmaamay Cashuuraha Madaarada Hargeysa lagaga qaadayo dadka ka dhoofaya, taasi gaar ahaan farriin Telefoonka ah uu ugu soo diray Maamulka Madaarka Hargeysa oo uu ku sheegay in dadku ku soo talo galaan Cashuur dhan $45 Doolar oo dadka waawayn ah halka kuwa qaan gaadhka ka yarna lagu war galiyey inay ku soo talo galaan $15 Dollar.
Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu tilmaamay inay u muuqato inaan wasiirada cidna la xisaabtamin islamarkaana ay kala dambeyntii luntay waxaanu yidhi.
“Wixii cashuur ah ee bilaa sharci ah waa in dadweynuhu diido, dadkuna waa inay sharciga bartaan, wixii aan sharci u xalaalayna inay bixiyaan maaha. Haddii cashuuraha la mariyo Golaha Wakiillada oo ay ansixiyaan waa sharci in la bixiyo ay tahay, laakiin haddii aan la soo marin waa wax sharci-darro ah, dalkana waxa jooga wasiirro waxa ay doonaan iska samaynaya oo cid la xisaabtantaa aanay jirin. Cashuur ay doonaan ayey iska kordhinayaan, waxaanad mooddaa in nidaamka kala dambayntii lumay.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen Musharaxa oo sii hadlaya ayaa yidhi “Dawladdu haddii shuruucda ay ku fadhido ee dawladda ku tahay ku tumato ama ku dhaqmi waydo waa ayaan-darro, cashuurtan la soo saaray ee farriimaha telefoonka lagu soo diray wax la aqbali maro ma aha, waana in Golaha Wakiillada la mariyo, ilaa hadda ma ogi in arrinaasi ansax tahay iyo in kale, laakiin waxaan Golaha Wakiillada leeyahay waa inay daba-gal ku sameeyaan waxyaabaha shaqadooda ah ee ragga wasiirrada ah iska samaysanayaan oo shaqooda qabsadaan.”
Hadalka Jamaal Cali Xuseen ayaa ka dambeeyay farriin Maamulka Madaarka Hargeysa soo diray 14-kii bishan, taasi oo uu ku sheegay sidaasi.