Eng. Feysal Cali Waraabe Oo Iska Barraxay Tabashooyinka Musharraxiisa Iyo Isa-seega Soo Noqnoqday Ee Xisbigiisa Haggaasiyey
“Cirro [Guddoomiyaha WADDANI] Isagoo Aanay Cidi Aqoon Baan [Anigu] Somaliland Oo Dhan Dusha Ka Saaray Kadibna Wuu Igu Kibray Waanu I Mijo xaabiyey, Tolkiina….”
“Xisbigii Uu Feysal Aasaasay 2012-kii buu dhammaaday, kanse NEW UCID baa la yidhaahdaa”
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markale ka Hadlay khilaafka xisbigiisa ka dhex jira, waxana uu si cad ugu celiyey in Musharraxnimada Xisbiga loo tartami doono, isagoo eedona dusha ka saaray Guddoomiye Cirro oo ay wakhti isku jaal ahaayeen iyo waliba Musharrax Jamaal Cali Xuseen. Guddoomiye Faysal oo isaga oo ku sugan magaalada Luwanda ee caasimadda wadanka Angola oo uu shir kaga qayb galay ayaa waraysi uu khadka telefoonka ku siiyey laanta afka soomaaliga ee BBC-da waxaa uu meesha ka saaray khilaafka xisbigiisa ka dhex jira, waxana uu sheegay in la gaadhay xilligii lagu tartami lahaa musharraxnimada Xisbiga UCID, “Runtii khilaaf ma jiree Jamaal waanu sharraxnay, haddii aanu sharraxnaynay wakhti bay ahayd, imikana wakhtigii wuu isbeddelay oo salaadba wakhtigeedaa la tukadaa, waana qiimaynaynaa haddii loo bogi waayo.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe. Guddoomiye Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa khalad ku tilmaamay doodda Jamaal ee sheegaysa inaan cidi la tartami Karin, waxana uu yidhi, “Haddii musharraxu leeyahay la ilama tartami karo isagu taas xaq uma lahee xisbigaa iska leh, aniga iyo jamaalna nama dhex taallo’e waa arrin xisbi.”. Guddoomiye Faysal oo la weydiiyey inuu caan ku yahay khilaafyada, maadaama ay hore iskugu dhaceen Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ay hore Ucid usoo wada ahaayeen, ayaa eedo culus dusha ka saaray Dhiggiisa Cirro, waxana uu tilmaamay inuu khiyaameeyey, “Xisbiga Ucid Tacab badan baan geliyey, Cirro-na isagaa igu kibray oo isagoo aan cidi aqoon baan Somaliland oo dhan dusha ka saaray, ilamana uu shaqaynin, tolkiina cod imuu siinin, markii dambena wuu I mijo xaabiyey, Jamaal-na waanu sharafnay oo saddex sano horteed baanu keenay wax allah iyo wax uu soo kordhiyeyna ma jirto, imikana waa la is qiimaynayaa.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Dhinaca kalena Jamaal Cali Xuseen Musharraxa xisbiga Ucid, oo isna la hadlay HCTV ayaa ku dooday in tacabkii uu Feysal Cali WAraabe Geliyey Xisbiga UCID uu ku ekaa 2012, balse xisbiga wakhtigan la yidhaahdo New Ucid, taasi oo uu uga jeedo in sumcadiisa iyo dedaalkiisa uu xisbigu ku soo baxay.
Jamaal ayaa doodiisaasi ku soo beegmaysaa xilli dhawaan Eng Faysal Cali Waraabe sheegay inaan Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan mataan oo ahaa musharaxiinta xisbigu aanay wax tacab ah xisbiga galin, wixii uu tartankii 2012 kaga soo baxayna ahayd sumcaddii iyo dedaalkii xildhibaannadii golaha degaanka. Jamaal ayaa ku doodaya in markii hore Faysal kula heshiiyay musharaxnimada xisbiga balse markii xisbiga Ucid ku soo baxay tartankii 2012 ee ururadu xisbi qaran ugu soo baxayeen uu bilaabay khilaaf uu musharaxnimada kaga riixayo Jamaal. “Gacantaag baa naloogu codeeyey…mar allaale iyo markii aanu doorashada ku soo baxnay ee uu arkay isbeddel muuqda ayaa ninkii guddoomiyaha haa ee Feysal Cali Waraabe is beddalay” sidaasi ayuu yidhi Jamaal, waxaaana uu intaa ku daray isaga oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey cidda tacabka galisay xisbiga iyo sida loo kala mudnaanayo, “Horta xisbiga [UCID] maaha xisbigiisii iyo xisbi uu isagu leeyahay, feysal xisbigii uu aasaasay 2012-kii buu dhammaaday, kanse NEW UCID baa la yidhaahdaa”