Jamciyadda Xaqu-dirirkii SNM Oo Muunaysay Guda-galkii ay 27 Sanno Ka Hor Shalay Oo Kale Kaga Dhextooseen Burco

0
44

Hargeysa (Hubaal)- Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal, ayaa Magaaladda Hargeysa ku qabatay Xuska 27 sanno guuradda ka soo wareegtay maalintii ururkii SNM Galeen Magaaladda Burco ee ay ka saareen Nidaamkii Kaligii taliska Arxanka darnaa ee Maxamed Siyaad Barre. Munaasibad ay soo qabanqaabiyeen Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal, ayaa Habeen Jimcihii lagu qabtay Magaaladda Hargeysa, taas oo loogu debaal degaayey Xuska Sannad guuraddii 27aad ee ka soo wareegtay maalintii 27 May ee ururkii dhaq dhaqaaqa  dib u xoreynta Somaliyeed SNM ay galeen Magaaladda Burco ee gobolka Togdheer oo ay ka saareen maamulkiii Kaligii taliska ahaa ee  Somalia ee uu hogaamiyaha ka ahaa Kaligii  Marxuun  Maxamed Siyaad Barre iyada oo ay Xafladdaasi ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee SOOYAAL  Muj. Xasan Cabdi Maxamed Jaamac, Wasiirka  Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Axmed  faarax Caddare, Xildhibaano Madax dhaqameed,  Xubno ka mid ah Mujaahidiintii SNM ee maalinta Burco  galay, qaar ka mid ah Mujaahidiintii halgankii SNM ku naafawday iyo Ubadkii iyo Xaasaskii ay ka tageen ragii halganka SNM ku naf waayey iyo marti sharaf kale ayaa madashaasi ka soo xaadiray.

xuska SNM

Guddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee SOOYAAL  Muj. Xasan Cabdi Maxamed Jaamac oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka Xuska 28 guuradda maalintii SNM Burco galeen iyo Qiimaha ay Shacabka Somaliland ugu fadhido wuxu yidhi “Caawa oo Jimca ah waxaynu joognaa Xaflad aad u qiimo badan, taas oo aynu ugu dabaal degayno 28 sanno ka dib maalintaasi oo aheyd 27-kii May 1988, waxay ku soo beegantay Silsilad socota oo ah 18-kii May ee maalinta qaranka Somaliland qadiyaddiisa uu Somalia dib uga la soo noqday oo maalmo yar aynu imika soo dhaafnay oo Iyana ah maalintii ururka dhaq dhaqaaqa umadda Somaliyeed ee SNM u soo maray ee uu kaga dulqaaday Xoogii dalka Somaliyeed ee dawladdii umadda Dulmiga ku haysay ee uu Siyaad Barre hogaamiyaha ka ahaa, waa maalin aad inoogu wada qaali ah hadii aynu nahay umadda iyo dalka Somaliland waa maalintii ay Ciiddankii SNM galeen magaaladda Burco, maalmaha qiimaha inoo leh ee ururka SNM loo asteeyey wax aka mid ah laba maalmood , waa  6-dii Bishii April ee SNM lagu dhawaaqay iyo 17 Bisha Octoper oo maalintii Shuhaaddada SNM ah oo wali maynaan xuskeeda gaadhin, waxaan leeyahay maalmaha Halganka ee ururkii SNM way farabadnaayeen, balse maalintan aynu caawa iskugu nimid ee 27-ka May ee SNM Burco galeen waaa mid ka mid ah maalmaha Xusuuska gobonimadda inoo leh”

Mujaahid Jaamac Maxamuud  Doolaal oo iska mid ahaa Guutaddiidii Mujaahidiintii SNM ee 28 sanno ka hor  Burco  galay isaga oo maalintaasi ka hadlaayey wuxu yidhi “Waxay aheyd 28 sanno ka hor maanta oo kale maalintaasi waxaad moodaysay ragayagii dagaalka ku socday inay ahaayeen rag dabaaldegaayey, maalintii Burco aanu galay waxay aheyd maalin cad oo la badheedhay oo loo badheedhay Maamulkii Siyaad Barre si heeryadii gumeysiga iyo dhibaataddii jirtay layska tuuro, way hirgashay oo taariikh dheer ayey laheyd”

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Md Axmed Faarax Caddare oo ugu dambeyntii Xafladdaasi soo gebo gebeeyey halkaana hadal ka jeediyey ayaa halka ka sheegay Xukuumadda uu Madaxweyne Axmed Maxamed (Siillaanyo) hogaamiyo inay Mujaahidiintii SNM iyo Qoysaskoodaba hiil iyo hooba la garabtaagan tahay wuxuuna  yidhi “waxaan filayaa xukuumadda imika jirta ee uu hogaaminaayo Mujaahidku in in alla Intii aynu Itaalka u laheyn qaran ahaan maadama maadama aynaan wali soo saarin khayraadkii dalkeena  iyo maadama oo aanay wali noqon dadkeenu aheyn kuwo Cashuurta wada bixiya oo dhaqaalaha soo xarooda uu faro ku tiris yahay hadana, hadana waxa xusid mudan inay leeyhiin wax aliyaala wixii loogu talo galay oo ururkii Sooyaal uu dhisan yahay oo xuskeedii uu leeyahay”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here