Muqdisho (Hubaal) Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, Jen. Cabdillaahi Gaafow Maxamuud oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay shan ruux oo dhallinyaro Soomaali ah oo dhawaan laga soo celiyay magaalada Hargeysa, Isagoo Sheegay inaan loo Dul-qaadan karin in qof Soomaali ah uu soo Tarxiilo qof kale oo Soomaali ah.
Jen. Gaafow ayaa intaas ku daray in dowladda Somalia ay isku dayayso mar kasta in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo safarrada ay ku tagayaan Gobolada Dalka, isagoo xusay in Somaliland ay marar badan dhibaatooyin u geysatay dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, taasna ay tahay mid aan loo dul-qaadan karin. “Waxaan aad ugu xunahay arrin nagu soo noqnoqonaysay, taasoo ah in muwaadiniin Soomaali ah oo dhoofay lagu dhibaateeyay Somaliland, balse innagu marka ay yimaadaan garoonka Muqdisho dhallinyaro kasoo dhoofay Hargeysa iyo Berbera Wanaag ayaanan u Sameynaa wax dhibaato ah oo ay nagala kulmaana ma jirto,” ayuu yidhi jen. Gaafoow.
Taliye Gaafow oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyey. “Waxaa nasiib-darro ah oo caado noqotay in qof kasta oo Soomaaliya inuu ka yimid sheegtay in Maamulka Somaliland ay Dhibaatooyin u Geysato, lana xidho si bani’aadamnimada ka baxsanna loola dhaqmo, waxayna taasi keeni kartaa naceyb dhex-mara shacabka Soomaaliyeed.”
Jen. Gaafoow ayaa ugu baaqay Somaliland inay dadka Koonfurta Somalia ka yimaada ay si wanaagsan ula dhaqmaan, isla markaana ay joojiyaan dhibaatooyinka ay mar walba u geysanayaan. “Halkan (Garoonka Diyaaradaha Muqdisho) dad Soomaaliyeed ayaa Shalay Diyaarad ka raacay, muraad ayay lahaayeen, Kharash badana wuu ka baxay, halkii Taageero loo fidin lahaa ayaa la dhibaateeyay xabsi ayaana la dhigay, xalay xabsiga ayay ku jireen. Saakana waa lasoo tarxiilay, markaa in nin Soomaali ah uu qof kale oo isna Soomaali ah soo tarxiilo wax la qaadan karo ma aha,” ayuu mar kale ku celiyay Gaafow.
Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal, hadalka ka soo yeedhay taliyaha laanta socdaalka dawladda federaalka Somalia Jeneral Gaafow.