Maalinba maalinta ka dambaysa waxaad moodaa in hoos u dhac balaadhani ku imaanayo siyaasada guracan ee dawlada Xamar, iyadoo aad ku maqlayso marmarka qaar eryo aanay fagaare la soo istaagi karin qof kasta oo siyaasada indho indheeyaa ama matala dal dawlad sheeganayaa.
Gudoomiyaha baarlamaanka dawlada Xasan Sheekh hogaamiyanaayo ayaa waxaa ka soo yeedhay Hargeysa Passport ku tagi-maayo. Arrintaasi waa halkii cabdi goode waa waali-cas oo waxaad moodaa inuu joogo markii ay Somaliland iyo Somalia midobeen ee isku midka ahaayeen, taariikhda ayaa kaa qaldan sidaan filaayo gudoomiye ee dadka soo gaadh.
Gudoomiyaha baarlamaanka iyo xukuumada Xasan Sheekh waxay meel kaga dhaceen magacii iyo maamuuskii ay ku matalaayeen dadka koonfurta dega ee dalwadaa rajada ka sugaaya, la yaab ma leh oo marka hore ilaahay ayaan u waydiinayaa inuu dalkooda u hagaajiyo, nabadana uga dhigo sida jamhuuriyada Somaliland oo kale.
Marka aan leeyahay waxay meel kaga dhaceen dadkoodii waxaan uga jeedaa waxay ku ciyaareen caqligii umada, been iyo haasaawe aan jirin ayey fagaarayaasha siyaasada la yimaadaan, bal yaa ogaada sida ay ula yaaban yihiin madaxdooda soo dhaafi waayey villa Somalia.
Somaliland gudoomiye baarlamaan oo ka socda dawlada Soomaaliya inuu soo caga dhigtaa waa habeenkii xalay ahaa ee tagay, hadii uu raganimo in uun is bidaayo ku dhacee inuu Hargeysa soo caga dhigto. Taasina aniga aragti ahaan waxay dhici kartaa marka Somaliland guud ahaan aduunyad laga waayo ee ay aduunyado dhamaato. Markaa hadii uu ayaankiisu ku simo nasiibkii.
Madaarada Somaliland ee sida caalamiga ah u shaqeeya waa kuwo kasbaday duulimaadyada waaweyn ee lagu soo hirto, waxaa maalin kasta ka soo dega madax kala duwan oo ogolaansho ka haysta wasaaradaha ay khuseeyaan socdaaladu, mana aha meel jaanta rogon ah oo cidii doontaa iska soo gadho, waxaa ka taaba qaaday oo xoogaystay xidhiidhka dawladnimo ee laamaha dawladda oo mid kastaaba sidii loogu tala galay u shaqaynayso.
Jawaari waxaan odhan lahaa adeero 1960-kii 26 June ayaad socotaa ee markaad soo gaadho 1991 ee aad taariikhda dib eegto, chapter-kaana soo liqdo haynoo ahaato. Chapter-ka labaad maanta soo gaadh 2015- qiimee halkaad maraysaan qiimee, dabeeto wixii hawl maalmeed ah (Exercise) ka soo shaqee waana inoo qiimaynta natiijada aad joogtaan.
W/Q: Saynab Guure
saynabguure@gmail.com
Sweden-Stockholm