Tan iyo intii ay xukumada somaliland xukunka talada qabsatay sanadki 2010 dalku wuxuu ku talaabsaday horumar balaadhan oo u hormood u yahay Madaxwayne Ahmed Mahamed Mahamoud Silaanyo. Qodobka ugu wayn ee la mahadiyo waa shaqaalaysinta tiradi ugu badnayd ee dhalinyarta iyo dhiirigalintooda.
Sidaynu wada ognahay dhalinyaradu waa halbawlaha dalka iyo udub dhexaadkiisa Xukumadeenuna waxay goaansatay inay saamigi dhalinyarta ee dawlada iyo hay’ada madaxa banaan siiso.
Wasiirka mar walba taageera horumarinta dhalinyarada ee mar walba garab taagan shaqaaleysiintoda iyo hagistooda mar walbana ku aamina xilal aad u muhim ah oo miisan leh waana wasiirka haatan ee madaxtooyada jamhuuriyada somaliland Mahamoud Hashi Abdi.
Mahamoud hashi wuxu ahaa shakhsigii ku dhiraday intuu wasiirka duulista ahaa inuu shaqaalaysiiyo dhalinyarti ugu badanyd bedelayna System-kii hore ee lagu shaqeyn jireyee wasaarada iyo madaarkaba.
Maantana sida la wada ogyahay madaarka Hargeisa waa ka ugu blilicda san leh ee shaqadisu iyo shaqaalihisuba ay si heer caaliamiya uga hawlgalaan dhalinyarada horjoogna u yihin .
Wasaarada madaxtooyadda oo u imika wasiir ka yahay Mahamoud Hashi Abdi way ka muuqataa isbedelka ku yimid hawl maalmeedka qasriga Madaxtooyada oo ay ka hawlgalaan dhalinyaro aqoon leh, oo kor u qaaday bilicda iyo muuqalka shaqada qasriga Madaxtooyadda iyo hawlihii qaranka ay u hayeen.
Wasiir mahamoud Hashi Abdi kuma cusba saaxda siyaasada, lakiin waa halgamaa u soo halgamey Dalka iyo Dadkiisaba mudo 30 sano ka badan ina shaqaynayay qarankiisa oo u soo maray duruufo kala duwan wakhtigana ah wasiirka ugu shaqada badan hawl maalmeedka shaqo ee xukumada.
Waa shakhsiga kaliya ee ku suntan horumarinta dhalinyarta dalkiisa hooyo waxa kaliya ee aan odhan karaa Wasiir Mahamoud Hashi Abdi waa alle ha kuu abaal gudo.
Dhalinyartu way ogsoon tahay Waxqabadkaaga waxanad tahay shakhsiga kaliya ee ku suntan horumarinta dhalinyarada iyo in dhalinyaradu dalka hogaamiyaan hiigsan karaan.
Garyaqaan Abdiladiif Mahamoud Hersi (Ludfi)
Email: ludfinho@yahoo.com