Boorama, (Hubaal) – Magaalada Boorama ayaa weli waxa ka jira dareenno liddi ku ah diiwaangelinta madaniga ah ee la filayo inay dhawaan ka bilaabato magaaladaas.
Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh, dareenkan ayaa soo baxay laba maalmood markii koox dhallinyaro iyo dad waaweynba isugu jiraa ay badhtamaha magaalada ku weerarreen gaadhi laga baahinayey hadallo dadweynaha ku baraarujinayay inay is diiwaangeliyaan.
Kooxdan dhalinyarada ah oo joojiyay gaadhigaasi lana hadlay darwalkii iyo cidda hadalka baahinaysayba ayaa waxay uga digeen inay sii wadaan wacyigelintaasi iskana dhigaan codbaahiyaha sidaasna lagu joojiyay wacyigelintaasi.
Kooxdan dhallinyarada ah oo gaadhigan iyo codbaahiyahiisa ku weerartay agagaarka Huteel Harawa ee badhtamaha magaalada Boorama ayaa markii dambe qaarkood ku baaqayeen in laga hortago diiwaangelintaasi, mana jirin cid ka tirsan ciidamada amniga oo arrintan soo dhex gashay, iyadoo aad mooddo inay dhallinyaradani daba joogaan ama fulinayaan hadallo hore uga soo yeedhay qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameedyadda Boorama. Xiligaas oo ahayd wakhti oday dhaqameedyo ka soo jeeda beelaha deegaanka Oodweyne booqasho ku taggeen magaalada Boorama.
Dareenadda caynkan ah ayaa dhinaca kale u muuqda kuwo waxa ka iman kara aanay xukuumaddu kaba war haynin, isla markaana aanay jirin diyaar garaw loogu talo galay in diiwaangelintaasi ka qab soonto magaalada.
Sida la ogyahayna waxa badhasaabkii gobolka Awdal Cabdoo Aayir dalka Uk ugu maqanyahay arrimo la xidhiidha caafimaadkiisa,halka Maayarkii Booramana uu weli socdaal hawleed ugu maqan yahay dalka debeddiisa .