Jeegaantu Waa Gunnimo Siyaasadeed Iyo Gumaysi Cusub. Qalinkii: Hoodo Yuusuf

0
175

Siyaasada jeegaantu waxay  xalaal tahay  marka ay laba siyaasi oo kasoo kala jeeda laba beelood oo deegaan ahaan kala fogi ay  isku bahaystaan dano siyaasdeed oo ka dhaxayn kara labadooda  beelood. Laakinse jeegaantu waxay xaaraan  noqonaysaa marka ay laba Madax-dhaqameed  oo deegaan ahaan kala fogi ay isku gacan qaadaan xulafaysi  siyaasdeed oo ku lidi ah beelaha kale ee la deegaanka ah.

Tusaale ahaan, Jeegaantii USP ee ay wada  dhiseen  Garaad Cali Garaad Jaamc iyo Xaaji Ibrahim Nuur ee  1958, waxay ahayd xulafaysi siyaasadeed oo xalaal ah “ legitimate “ . Waxay iska kaashadeen beelaha Isaaq oo isku bahaystay labadii xisbi ee SNL iyo NUF.  Ujeedada hagaagsan  ee USP waxay ahayd la-dagaalanka gumaysigii  Ingriiska. Markii danbe waxay la bahoobeen SNL  oo ay isku hadaf ahaayeen, waxaana loo bixiyay SNL/USP. Waxay si  wadajir ah  ugu guulaysteen  xoraynta Somaliland.

Jeegaanta  cusub ee  ka hilaacday  Somaliland ee labada Madax-dhaqameed isku gacan qaadeen Burco   Oktoober 8th  waxa lagu tilmaami  karaa Gunnimo Siyaasadeed, waxaanay dhali kartaa  Gumaysi-cusub haddii ay beelaha kale aqbalaan. Jeegaanta Cusubi  waxay lidi ku tahay  distoorka Somaliland, waxay dhawacaysa hanaankii dimuqraadiyda , wada tashigii ummadda, wada nolaanshahi bulshada, wadajirkii shacabka iyo jiritaankii  qaranimadda Somaliland. Waxa soo abaabulay  Xisbigga Kulmiye  waxaana maal geliyay ganacsato waawayn . Shacbiga Somaliland, waa shacbi xoolo-dhaqata oo dhaqankoodu ku salaysanyahay  dimuqraadiyad “ Pastoral democracy “. Waa shacab aan weli kala adkaan oo aan is-gumaysan, mana dhici karto in maanta lays muquuniyo.

Wuxuu yidhi Saahid Qamaan :

Rag waxaan ku maamuli aqaan  ama  ku maamuusi,

Masaa in aanu nahay oy tolnimo meerto noo tahaye,

Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma taabsiyo,

Ninkii  aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho,

Walee Sidii koran xiniiyaha la muday uma maluugnaado.

Qalinka :Drs Hoodo Yusuf, London,UK.

yhoodo@yahoo.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here