Jewiga Kulan Gaar Ah Oo Muj. Axmed Mire Iyo Muj. Jidhif Ay Isku Keliyeysteen

0
115

Mujaahid Axmed Mire Waxaa Uu Mujaahid Jidhif Ku Booqday Hoyga Uu Magaallada Hargeysa Ka Degen YahayKULNAKK-23-768x402

Hargeysa (Hubaal)-  Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (jidhif),Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa, Habeen Hore Fiidkii kulan gaar ah kula qaatey Guriga uu ka degan yahey Magaalada Hargeysa Mujaahid Axmed Mire Maxamed Nuux oo kamid ahaa Mujaahidiintii SNM ee kasoo qeyb qaatey halgankii dalka lagu xoreeyay oo dhawaan dalka kusoo gurya noqdey. Sida aanu kasoo xiganay degelka wararka ee Wajaalenews.net oo warkan daabacay  Kulankan oo ahaa mid ay labada Mujaahid isku kaliyeysteen islamarkaana, ay iskaga xogwareysteen guud ahaanba xaalada dalku marayo wakhtigan, iyo marxalada guud ee ay ku miyan yihiin Shacabiga Somaliland waxey sigaar ah ugu lafa gureen in aaney marnaba dib usoo noqoneynin Waayihii dureed ee lasoo marey haseyeeshee loo baahan yahey in wakhtigan sida saxda ah ee maslaxada umaddu kujirto in loo shaqeeyo oo laga wada shaqeeyo arimaha danta guud laakiin aan daneysi laga shaqeynin. Kulanka Labada Mujaahid,oo wakhti badan qaatey ayaa kusoo dhamaaday,in ay kawada socon  doonaan arimo badan islamarkaana bulshada ku wacyi galin doonaan tubta toosan. Mujaahid Jidhif  iyo Mujaahid Axmed Mire ayey isugu dambeysay mudo ku siman dhawr iyo toban sanadood.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here