“Axmed Cali Garas (Maqalloocshe) [Qoraaga Sheekadan ], Laba Muhibo ayuu ILAAHAY siiyay, midi waa qof qoraaya, ta labaadna……”
Hargaysa(Hubaal):-Xaflad lagu gar-daadinayay Sheekadii Caan-baaxday SHAN-DARANLEY oo markii ugu horeysay Buug ahaan if-ka ugu soo baxday ayaa shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Sheekada Shan-daranley oo uu qorey Abwaanka Axmed Cali Garas(MAQA-LOOCSHE), ayaa waxa tifaftiray Cabdinaasir Axmed Ibraahim, waxaana maal-gelisay oo soo daabacday Shirkadda Daabacada ee HEMA BOOks. Munaasibadii loo sameeyey bandhigga Buugga Shan-daraley oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeybgalay Agaasimayaal, Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha dhalin-yarada Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax, Wefti ka socday Akademiyada dhaqanka ee CAKAARA, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Qoraa Jaamac Muuse Jaamac, Dhalinyaro,Aqoonyahan, Hoggaanka xarunta dhaqanka ee ODAY KA SHEEKE, Siyaasiyiin ka kala socday Xisbiyada Somaliland iyo marti sharaf kale. Tifaftiraha Sheekada Shan-daraley ayaa waxa uu bogaadiyay guddidi soo qaban-qaabisay Xaflada lagu soo bandhigay Buugga shan-daraley oo uu hoggaaminaayay Xoghayihii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi iyo koox is-xil-qaantay iyo Shirkadda maal-gelisay daabacada Buuggan ee HEMO. “Sheekada Shan-daraley waxa uu qoraagu ku bilaabay goor gabal-dhaca, waxaanu qoraaga Sheekadani isku xidh-xidhay sawiro qurux baddan, Shan-daraley waxay buuggaagta kale ee Sheekooyinka kaga duwan tahay waxa uu qoraaga Sheekadani (Maqa-loocshe) wax ka yaqaana cirka iyo dhulka-ba, Afka xiddigiska ayaad ku arki doontaan bilowgeeda, sida uu qoraagu u sawirayo dhicitaanka qoraxda iyo soo bixitaanka dayaxa, sida uu u sharxayo xidigaha wakhtigaa shan-daraley bilaabantay iyo magacyaduba waxaas oo dhammi waa waxa ay buuggta Sheekadda Shan-daraley kaga duwanaan doonto buuggaagta kale ee la soo daabacay.Reer-miyinimo uu Axmed Ali Garas (A.A. GARAS) uu soo maray ayaa waxay sahashay inuu dhaqanka ku talax-tago, Shan-daraley waxa laga barran karaa Afka Soomaaliga, Axmed Cali Garas waxa uu ka mid yahay dadka Afka Soomaaliga wax ku darsaday….jilaaga Sheekadani waa BAL-AYAX”Ayuu yidhi Tifaftiraha Sheekaddan Shan-daralley Cabdinaasir Axmed Ibraahim. Xasan Cali oo ku hadlayay Afka Shirkadda Daabacday Buugga SHAN-DARALEY ee HEMO Axmed Xassan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Muhibada uu ILAAHAY Siiyay Axmed Cali Garas waa la wada garanayaa, Shirkadda Daabacada ee HEMO Books waxa lagu yaqaana Manhajka dugsiyada Hoose, dhexe iyo Sare Ee Somaliland….Buugga Shandaraley waxaan ka soo daabacnay 4,000 (Afar kun oo buug) qiimaha iibku wuu jaban-yahay oo tirro badddan ayaan ka soo daabacnay, waxaanu qallinleyda ku dhiirigelinaynaa inay buuggtooda ay qoraan ay soo bandhigaan oo waxa sii maal-gelintoonta Shirkadda HEMO qoraagana waxay u noqonaysa dhiiri-gelin”. Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waa ii farxad oo waa ii fursad inaan ka soo qeybgalo bandhigga Sheekada SHAN-DARALEY.ka soo qaad inaad tahay BAL-AYAX oo halka aad joogto inay noloshaadu ka suuragasho, In Baddan ayaan is-weydiiyay Axmed Cali Garas muxuu u soo bandhigi-waayay Sheekadan Shan-daraley, laakin maanta ayuu soo bandhigay, waxaan ku faraxsanay in la koriyo akhriska, waxaan ku faraxsanay in la xoojiyo Sheekooyinka dhaqanka ku saabsan.Waxaan qallin-leyda ku dhiiri-gelinayaa dhinacyo baddan oo ku saabsan nolosha horumarinteeda, waayo-aragnimadeena iyo dhaqanka inay wax ka qoraan. Waxaan ku baaqayaa waa in la iibsadaa Buugga Shandaraley, Anigu waxaan xukumaa Afartan qof oo waxaan qaatay (40-buug)” Agaasimaha guud ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh waxaanu yidhi“Farxad weyn ayay noo tahay inaan ka soo qeybgalo Xafladan lagu daah-furayo Buugga Shan-daraley, ee uu qorey Saaxibkay Axmed Cali Garas (Maqaloocshe), Maaha buuggii ugu horeeyey ama qoraalkii ugu horeeyey Axmed Cali Garas uu qoro, Sheekooyin baddan, Qoraalo baddan iyo qisooyin ayuu lahaa oo Wargeyska JAMHUURIYA ayay Sheekaddan Shan-daraley ku soo bixi jirtay,waxa Sheekooyinka ka mid ahaa Af-JINAC-LEY, Sheekadii Xiisaha badnayd ee MAQALOOCSHE loogu magac-daray. Laba Muhibo ayuu ILAAHAY siiyay Axmed Cali GARAS midi waa qof qoraaya, ta labaadna waxa weeyaan inay qoraaladiisa ay ku jirto Suugaan oo uu Abwaan yahay” Qoraa Cismaan Cabdi Nuur Xaashi oo ku hadlayay Afka Akademiyada Cakaara ee xarunteedu tahay Magaalada Laas-caanood ayaa waxa uu yidhi “Axmed Ali Garas (MAQALOOCSHE)waxa uu isku darsaday 17-muhibo,waa qoraa, waa Abwaan cilmiyada Computer-ka, cilmiyada Saadaasha iyo Xiddigiska,Farshaxanka, daraasadeynta, Fahamka quraanka Kariimka, aqoonta iyo dhaqanka Soomaalida, iyo qaar kale, toddoba iyo tobbankuna waa cilmiyada Asraarta, Salaadaha aynu tukanaa waa 17-Ragcadood Jimcaha mooyaane, Jaadadka Suugaanta Soomaalida waa 17-Jaad oo u soo kala baxa ilaa Sagaashan badood. Magaca Sheekada Shan-daraley waxa tilmaamayaa Shan-daran, waxa min Shan ah: Shaqalada Farteena, Salaadaha Faralka ah, dareenada qofka, Faraheenuna waa shan, tiirarka Islaamkuna waa Shan”
“Sheekadani waxay xambaarsan tahay Cilmiyo baddan oo lagu fahmayo dhaqanka, Afka, Suugaanta, Hidaha Xoolaha, Deegaanka, Khayraadka dalka Caadooyinka San iyo Sooyaalkeena iyo weliba culuunta xagga Hawada Sare iyo Cirka, sidaa darteed waxaan ku talinayaa in lagu daro manhajka dugsiyadeena Sare iyo weliba Jaamacadaheena”.Ayuu yidhi Qoraa Cismaan Cabdi Nuur. Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa waxa uu u mahad-naqay qoraaga Sheekada Shan-daraley Axmed Cali Garas, isaga oo ku ammaanay habka farshaxanimada leh ee uu qoraagu u soo bandhigay,waxaanu yidhi “Innaga waxaad mooda inaynu nahay dad dhaqanku ku fudud yahay, in yar oo fudud ayaynu dhaqankeena ku bedelnaa, Caalamkuna dhaqankooda iyo hidahooda ayay ku fanaan, inanka Carabku marka uu faanayo waxa uu ku faanaa inuu yahay nin reer-miyiya, Af-Soomaaligeena waxaad mooda in laga sii baxayo. Marka waxa loo baahan yahay in Buuggan iyo kuwo kaleba ee dhaqankeena ka hadlaya la dhiirigeliyo, waxa loo baahan yahay inaynu dhaqankeena ku faano”. Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamar-ji) oo ka mida Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Shan-daraley magaceedu waa shan-daran, waxaan ka mid ahaa dadkii sheekadan aadka u akhrisan jiray. Sheekada Shan-daraley Shan marxaladood oo midba mid ka daran tahay ayay ka hadlaysa, waxaanay ka turjumaysay dhaqankeena reer-guuraaga” Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Maqaloocshe waxa uu leeyahay magacyo baddan, waa nin mufikira, mu’alifa, qoraana ah, cilmiga xiddigiskana wax baddan ka yaqaana, Suugaanta, taariikhda, runtii waxa uu ka mid yahay dadka markaan sheekeysanayno wakhti baddan wada-qaadano.Waxaan ku faraxsanay inay Somaliland mareyso halkan oo buugaag la qorey loo dabaal-dago” “Marka buug la soo saarayo wax sahlan maaha, qofka waxay ka qaadataa wakhti aad u fara baddan..qofka Afar Sannadood oo jaamacada diyaariya iyo qofka Buug soo saara waa isku mid, qofka hal buug qora waxa uu la mid yahay qof Digrii qaatay, baadhista uu sameynayo,muddada uu buuga qorayay qoraaga waan ku hambalyaynayaa soo saarista Buugaan Shan-daralay”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Aniga maanta ayaa igu horeysa inaan Buug ka hadlo (Shan-daraley), hadaan mar mikirifoonka qabsado meel kale ayaan maraa, Maqaloocshe saaxib ayaanu nahay oo 1996-kii ayaanu is-baranay,Ina Cigaal marna wuu ku kici-jirey Maqaloocshe, marna saaxib ayuu lahaa…..Waa nin Xidiggiya ah waxaan u maleynayaa suluxi wacnaa ayaa soo socdaa, sulux xun ayaa nadaashaday waxaan u maleynayaa suluxi wacnaa ayaa soo socda mar-hadduu Maqaloocshe mudh-soo yidhi”. Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi-dheere oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maanta waa maalin farxad leh, dhalinyarada sabbenkan waa dhalinyaro aqoon baddan, buuggaag baddan oo ay qoreen ayaa halkan ku daah-furnay.Markaa sabbenkan mid ka wanaagsan oo inna soo mara ma jirto.Waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa Axmed Cali Garas (Maqaloocshe) Buugga Shan-daraley ee uu soo saaray, muddooyin baddan oo dhowr iyo tobban sanadooda Sheekooyinka uu qoro waan akhrisan jiray Gabayo baddan oo uu bedeleyna waan akhrisan jiray. Waxaan ka rajaynayaa Maqaloocshe inuu sheekooyin baddan oo kalena uu buug ahaan soo saari doono”. Abwaan Cabdi Muxumed Maggan (Cabdi-FALAASH) oo ahaa fanaan weyn oo ka tirsanaan jiray hobaladii Waaberi ayaa sheegay in si weyn looga sheekeeyay Sheekada Shandaraley iyo Maqaloocshe ”Axmed Cali Garas (Maqaloocshe) waa buug dhan oo aan la dhameyn karayn. Waan u hambalyaynayaa buugga Shandaraley ee uu soo saaray” La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha dhalinyarada Somaliland Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waan ku faraxsanay inaan maanta goob-joog u noqdo daah-furka buuggan Shandaraley, Sheekadan aad iyo aad ayaan u xiisayn jiray oo wakhtigii ay ku soo bixi jirtay Wargeyska Jamhuuriya maalin ay idhaafi jirtay ma jirto.Sheekadan Shandaraley waxay ku fiicnayd in Film Decumentry ah.Axmed Cali Garas marka qoraanimadiisa iyo Abwaanimadiisa laga yimaado waxa uu ahaa Arts farshaxana, markii dalka la soo galay ee la sameynayay astaanka qaranka Somaliland waxa fikirkeeda keenay Cabdilaahi-JAWAAN waxaana hab-farshaxanimo ah ku sawiray Maqaloocshe oo Golihii dhexe ee SNM ku qanceen. Shirkadda HEMO ee buuggan maalgelisay waan ku hambalyaynayaa”
Qoraa Jaamac Muuse Jaamac ayaa sheegay inuu ku faraxsan-yahay inay Sheekada Shandaraley buug ahaan loo soo saaro. “Ma jirto madal ka qurux baddan oo aan imaado Buug la soo bandhigayo,waayo aniga iyo buugggu saaxib ayaanu nahay, waanu wada kornay buugga waxa qiimaha u sameeya waxa ku qoran. Agaasimaha guud Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Abokor, Abwaan Koos Jaamac Dhunkaal oo dhammaantood-ba halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey inuu if-ka u soo baxay Buugga Sheekada Shan-daraley, oo ay ku tilmaameen inay ka hadlayso dhaqankeena Soomaalida, isla markaana waxay si isku mida ugu tilmaameen qoraaga Sheekadan Axmed Cali Garas (Maqaloocshe) inuu ILAAHAY siiyay muhibooyin fara baddan, waxaanay si isku mida u soo jeediyeen in Sheekadan lagu daro manhajka Somaliland qoraaga buuggana la dhiirigeliyo oo Buugga la iibsado.