Jewigii Shalay Ee Shirweynaha Axsaabta Mucaaridka Ah Uga Furmay Hargeysa Iyo Shucuurtii Wejiyo Ay Xukuumaddu Sas Ka Qabto Oo Goob Joog Ahaa

0
63

Hargaysa:(Hubaal)-Waxa Maalintii shalay Hutel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa Ka Furmay Shirkii wada-tashiga ee Labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID ku baaqeen, kaas oo Dhawaan Maxkamadda Sare sharciyeysay in la qaban karo, kadib markii xukuumaddu si weyn uga hortimi. Shirkan oo xukuumaddu ilgaar ah ku haysay, ayaa umuuqday mid mucaaridku si weyn usoo abaabuleen, waxana ergooyinkii fadhiyey ka muuqday xamaasad iyo xiise dheeri ah oo ay u qabaan midhaha dambe ee kasoo bixi doona.  Hoggaanka Sare ee Labada Xisbi-mucaarid, Madasha wada-tashiga, Garabyada Haweenka iyo Dhallinyarada iyo Ergooyin kale oo Miisaan leh ayaa shirkaas kasoo qaybgalay, waxana khudbado Halkaas laga jeediyey lagu lafo guray ajandaha shirka iyo waxyaabaha lagaga doodi doono Muddad saddexda cisho ee uu socon doono.  shirka mucaaridkaGuddoomiyaha guddida shir guddoominaysa shirka Mucaaradka Aqoon yahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ahna Musharraxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Ucid, ayaa sharaxay Ajandaha shirka waxaanu sheegay in lagu qiimaynayo arrimaha dalka ka taagan.“Waxaa Lagaga hadli doonaa Sixir bararka, waxaa lagaga hadli doonaa Qiimaynta sharciga dalka, waxaa lagaga hadli doonaa hogaan la’aanta, waxaa lagaga hadli go’doonka siyaasadeed iyo qaddiyadda Somaliland, waxaa lagaga hadli doonaa xaaladda amniga, waxaa kale oo lagaga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha shirku.  Cabdirashiid waxa uu sheegay in shirku socon doono galinka dambe ee maalintii shalay ahayd, maanta oo la filayo in la soo gabogabeeyo galinkiisa dambe, haddii kalena lagu dari doono maalin dheeraad ah.  Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. shirkii mucaaridkaFaysal Cali-waraabe oo isaguna Halkaas Ka Hadlay, ayaa sheegay in natiijo bilaa turxaan ahi shirkaas kasoo bixi doonto, isagoo meesha ka saaray in shirkaasi yahay mid xukuumaddu lagu xumaynayo, waxana uu yidhi,   “Arrimaha ugu waaweyn ee ina haysta waxaa ka mid ah Haykalkii dawladnimo ayaa inaga baaba’ay. Waxaa inaga baaba’ay hay’addihii dawladnimada. Waxay ku baaba’een wakhtigoodii oo ay dhaafeen, Wakiillada markii saddexaad baa loo kordhinayaa, guurtidu 20 sannadood bay fadhidaa, xukumaddiina hadda ayay ka dhammaanaysaa”  Eng Faysal oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Kulankeenan waa inaynu kaga hadalno waxyaabaha xundhurta ah ee inaga khaldan. Waa in laga hadlaa Dastuurka oo dib loo eego, waa in laga hadlaa guurti ma u baahannahay, waa in laga hadlaa Wakiilada, waa in laga hadlaa Salaadiintan Siyaasiyiinta noqday, waa in laga hadlo xukumadda iyo xisbiyada oo bilaa nidaam ah oo la iska wada garab hadlayo, waa in Nidaamka laga hadlo umad bilaa nidaam ahi dal ma dhisi karto, waad aragtaan dawladihii hoose ayaa baaba’a ah oo aynaan biyo iyo laami midna haysan.” Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna ka hadlay ujeeddada keentay kulankaas, “Maxaa kallifay inaynu shirkan qabanno?, shirka inaynu qabanno oo talo is waydiino  waxaa kallifay kadib markii heshiiskii Asxaabta iyo xukumadda ee shacbigu ku farxay ee soo afjaray khilaafkii muddo kordhinta xukumaddu ka baxday, kadib markii xukumadda Somaliland ku fashilantay inay taariikhdii ku qabato doorashooyinka, kuwaas oo bedeli lahaa hay’addaha dastuuriga ah ee Somaliland, hadday tahay baarlamaan iyo hadday tahay madaxweyne ba, kadib markay u muuqatay inaanay xukumaddu rabin inay doorasho qabato, taas oo khatar galin karta nidaamka geedi socodka Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii ay u muuqatay in dalkani ku jiro marxalad adag oo u baahan talooyinkii lagaga bixi lahaa.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Hoggaanka Sare ee Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Xasan Guure Jaamac iyo Waliba Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Xasan Guure, ayaa iyaguna shirkaas soo dhaweeyey, waxana tilmaameen inuu yahay shir shuruucda dalku oggoshahay, isla-markaana kusoo beegmay xilli baahi badan loo qabay.

Magacyada Shir gudoonka Shirka oo La Magacaabay ayaa kal ahaa:

1.Cabdirashiid Xasan Mataan Guddoomiye

  1. Maxamed Cismaan Yuusuf(Is-xal).

3.Cali Axmed Cabdiqaadir(Cantar)

  1. Cabdiqaadir Yuusuf Cismaan(Qodax)

5.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde

  1. Xildhibaan Ibraahin Rayte.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here