Harggeyss (Hubaal):-Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxaa ka jira cidhiidhi fara badan oo dhanka waddooyinka ah ka dib markkii ay aad u fara baten baabuurta iskaga dhex gooshta caasimadda Hhargeysa.
Waxaa kale oo jira saxmadda suuqyada iyo dadka ganacsatada yar yar ah ee ka shaqeeya ganacsiyada kala duwan ee nolol maalmeedka lagala soo boxo oo ku badan waddooyinka hareerahooda iyo meheradaha ganacsi oo iyaga qudhoodu. waddooyinka faras magaalaha ah caasimada ku haya dhibaato badan iyagooku soo durka wajahada hore ee meheradahoodana dhiga qayboka mid ah alaabooyinka ay ka ganacsadaan.
Waxaa kale oo qaybta ugu weyn ee mashquullka waddooyinka caasimadda Hargeysa sabab u ah istaamada basaska oo iyaguna waddooyin badan xannibay walina aan xal laga gaadhin.
Haddaba waxaa jirta waddo ku taalla csacimadda Hargeysa isla markaana muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadwaynahaba laakiin waddadaas ayaa ah mid aanu ka shaqayn shrciga waddo marista ee. dalka.waxaanay ciidanka nabad gelyada waddooyinka ee boolisku ay kala kulmaan dhib badan wadayaasha gaadiidka waddadan xidhay ee sababta u noqday in aana waddadan sharciga waddo maristu ka shaqayn.
Waxaanay wadadaasi xilli kasta ay u xanniban tahay basaska yar yar ee caasiga loo yaqaan iyo tagaasida vitis tukhanka loogu yeedho oo madaxa iskula jira.
waddadan ayaa ah wadada isku xidha biriijka weyn ee Hargeysa iyo waddada wadnaha caasimada ee ka gudubta isgoyskka inshaarada Telesom horteeda illaa aad gaadho halka ay ku kala baydhaan gaadiiidka suuqa kusoo socda iyo kuwa dhanka biriijka u gudbaya.
Masaafadaas oo aad u kooban ayaa laga yaabaa in aad kaaba gudbi kari weydo dhawr saacadood sababo la xidhiidha u hoggaansan la.aanta shuruurcda waddo marista gaadiidka ee dirawalada basaska caasiga ah iyo tagaasida fitisa tukhaanka ah oo u badan dhallinyaro aan aqoon u lahayn shuruucda gaadiidka isla mmarkaana wax kasta ay kaga weyntahay cidiidhhsashada farsada gaadhiga uu ku xigo.
Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in ciidanka nabad gelyada waddooyinku in ay hir geliyaan waddadas sidi ay u fududan lhyd isla matkaana ay u noqon lahayd waddo xilli kasta ay ka suura gelayso isu soodka gaadiidka ka kala gudbaya.
Waxaa kale ooo lagama maarmaan ah in ciidanka nabad gelyda waddooyinka bulshadu in ay gaan ku siiso shaqada adag ee ay dalka u hayaan isla markaana dhallinayaradan dhawrka istaan basas caasigan iyo tukhaanka is dul dhoobmay ee jidkan muhiimka ah xidhay in dawladda hoose ee caasimaddu xal ka gaadho oo ay kala fududayso culayska ay waddada ku hayaan.
Waxaa kale oo xal u baahan isla markaana dawladda hoose ee Caasimadda looga fadhiyaa in ay hir geliso qorshihii ay hore u ballan qaaday ee ahaa in ay istaamada basaska magaalada ka saarayso faras magaalaha caasimadda oo waddooyin badani u xanniban yihiin.
Xigasho: Xogsoor Media.Net