Madaxweyne Cagjar Oo Wasiir Cabdirashiid Qambi Iyo Weftigiisa U Sheegay In Deegaanka Soomaalida Ay U Soo Gudbi Karaan Baabuurta Sidata Taarikada Somaliland
Mustafe Cagjar Oo Weftiga Uga Mahadnaqay Sidii Ay U Soo Ajiibeen Casuumadii Uu U Fidiyay
Jigjiga (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Ducaalle Qambi oo isaga iyo wefti uu horkacayaa dhawrkii maalmood ee u dembeeyey socdaal ku joogeen magaalo madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa maalintii shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalidu Md. Mustafe Muxumed Cagjar. Wasiir Qambi oo hoggaaminayay wefti ay xubno ka yihiin qaar kamid ah maayarrada magaallooyinka Somaliland ayaa magaaladda Jigjiga kaga qayb galay munaasibad sanadkii halmar laga xuso dalka itoobiya oo loo sameeyo loogu dabaaldego xuska magaalooyinka Itoobiya, taasi oo lagu qabtay caasimadda DDS ee Jigjiga dorraad. Xafladan oo weftiga ka socday dawladda Somaliland si rasmi ah loogu soo casuumay. Haddaba Wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guriyeynta JSL oo ka sokow ka qaybgalka xuskaas kulamo la qaatay qaar ka mid ah ardayda reer Somaliland ee iyagu wax ka barta Jaamicadaha ku yaalla deegaanka Soomaalida Itoobiya, khaasatan Jigjiga ayaa shalay waxaa weftiga wasiir Cabdirashiid Ducaale Qambi hadhimo sharafeed ku maamuusay madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Md. Mustafe Muxumed Cagjar, taasi oo ka dhacday qasriga madaxtooyada ee magaallada Jigjiga. Madaxweyne Cagjar ayaa Wasiirka iyo weftigiisa uga mahad naqay sida ay u soo ajiibeen casuumadii ay u fidiyeen iyo ka soo qaybgalka ay ka soo qayb galeen xuska magaallooyinka Itoobiya, isaga oo hoosta ka xariiqay in kulamada noocan oo kale ahi ay sii xoojinayaan xidhiidhka siyaasadeed, ganacsi, dhaqan-dhaqaale ee labada dal ka dhexeeya. Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulkiisu isaga oo dawladda Somaliland la kaashanaya ay ka go’an tahay in meel looga soo wada jeesto wixii amniga labada dhinac wax u dhimaya iyo in isu socodka labada dhinaca ee bulshada iyo gaadiidka isaga kala gooshaya xuduudka loo fududayn lahaa isaga oo ballanqaan qaaday Madaxweyne Cagjar in gaadiidka sita sumada Somaliland ay u soo tallaabi karaan dhinaca dawlad deegaanka Soomaalida. Geesta kale wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa isaguna Madaxweyne Cagjar gaadhsiiyey salaam iyo bariido uu uga sido Madaxweynaha dawlada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo uga mahad celiyey qaabilaad iyo casuumada uu Madaxweyne Cagjar u sameeyey weftiga Somaliland. Wasiir Qambi ayaa madaxweynaha deegaanka Soomaalida u hoga tusaaleeyey siyaasadda Jamhuuriyada Somaliland kuga meel taalla macaamuilka iyo xidhiidhka deriskeeda khaasatan dawlad deegaanka Soomaalida oo uu wasiirku carraba ku adkeeyey in markasta ay Somaliland ka go’an tahay in si nabad iyo wada-dhalasho ku lammaan tahay kula dhaqanto DDS, isla markaana ay shacbiga labada deegaanka isu soo dhawaanshiyo dhinac walba ah u yeelan lahaayeen. Gebogabadii kulanka hadhimada ah ayaa madaxweyne Cagjar waxaa uu weftiga Somaliland farriin bariido ah u soo faray in ay ka gaadhiiyaan madaxweyne Biixi, waxaana kulankaasi oo jawi faraxsan iyo niyad san ku soo dhammaaday galabnimadii kadib ay weftigu xalay ka soo ambo baxeen Jigjiga iyaga oo ku soo hoyday isla cawayskii xalayba Hargeysa