Jilaagii Ibraahim X. Maxamed Nuur (Asbaroo) Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

0
33

Hargeysa(Hubaal)-ILAAHAY ha u naxariistee  jilaagii weynaa  Ibraahim  X. Maxamed Nuur oo loo yaqaanay  (Asbaroo) ayaa maanta galinkii dambe ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu xannuun  u jiifay  bishii la soo dhaafay ee April, siday wakaaladda wararka ee Somaliland ee SOLNA  u xaqiijisay inantiisii oo la yidhaahdo Suleekha Ibraahim Maxamed Nuur oo degan Hargeysa.

ALLE ha u naxariistee marxuumku wuxuu ka mid ahaa jilayaashii  reer Somaliland aadka loo jeclaa ee hobolladii kooxdii Waabari, waxaanu ka qaybgalay riwaayado badan  oo ay ka mid ahayd Hablayahow hadmaad guursan doontaan, wad iyo wacad  iyo qaar kale oo badan.

Agaasime ku xigeenka  waaxda dhaqanka Maxamed Maxamuud Cigge (Busi),  ayaa sheegay in marxuum Asbaroo ay is barteen 1978-kii, isla markaana uu marxuumku wax ka wada metalay   inta badan riwaayadihii la dhigay muddadii u dhexaysay 1978 illaa 1988kii.

Agaasimaha waaxda  dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta iyo ku xigeenkiisa Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Yare) iyo Maxamed Maxamuud Cigge (Busi), ayaa ka tacsiyadeeyey marxuumka qoyskiisii iyo bahda fanka ee uu ka baxay, waxaanay ILAAHAY uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadiisiina samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaanay ku sifeeyeen oday weyn oo ka baxay bahda fanka Somaliland.

Marxuum- Ibraahim  X. Maxamed Nuur oo loo yaqaanay  (Asbaroo)  waxa uu ifka kaga tagay laba caruur ah oo kala ah wiil iyo gabadh, waxaana lagu aasi doonaa magaalada Hargeysa beri  haddii ALLE yidhaahdo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here