Jileyaasha Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF iyo Dallada Jaalliyadaha Europe Ee SSE Oo Tallooyin U Soo Jeediyey Xukuumadda

0
28

sonsaf-scc

“Dalladaha   SONSAF Iyo SSE Waxa Ay Si Weyn Ugu Talinayaan In Xukumadda Somaliland Ay La Timaado Qorshe Hawleedka Doorashooyinka Baarlamaanka

Hargeysa (Hubaal)- Labada Dalladood ee magacyadooda loo soo kala gaabiyey SONSAF iyo SSE oo ay ku kala bahoobeen  ururrada aan dawliga ahayn ee bulshada rayidka ah  iyo ka qurbejooga Somaliland ee qaaradda Yurub  ayaa war-saxaafadeed ay wada jir u soo saareen oo ku saabsan doorashada madaxtooyada waxaa ay farriin iyo tallooyin ugu direen xukuumadda Somaliland. Warsaxaafadeedkan oo cinwaan looga dhigay “ War-saxaafadeed Wada jir ah oo ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada”, ayaa nuqul kamid ah oo ay shalay soo gaadhsiiyeen wargeyska HUBAAL waxaa uu udhignaa sidan:  “Dallada Jilayaasha aan dawliga aheyn ee (SONSAF) iyo Dallada Ururrada bulshada Somaliland ee Qaaradda Yurub (SSE), waxa ay yeesheen kulamo socdey September ilaa badhtamihii bishan October ee Sannadkan. Kulannadaasi oo si weyn lagu gorfeynaayey arrimaha doorashooyinka sida wakhtiga inoo hadhay looga faa’iideyn lahaa, doorasho xor iyo xalaal ahina ay u dhici lahayd wakhtiga loo qoondeeyey 28 March 2017-ka.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac si weyn uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay dedejinta iyo dhammaystirka qabyada diwaangalintii waddanka ka qabsoontey, hadday tahay kala-hufista xogta diwaangelina, daabacaadda iyo qaybinta kaadhadh-ka cod-bixiyeyaasha.

SONSAF iyo SSE waxa ay sidoo kele ugu baaqayaan xukumadda Somaliland iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka iney kordhiyaan heerka wadaagidda macluumaadka ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Dib-udhigistii doorashada aqalka wakiiladu waxa ay tilmaan cad u ahayd in hanaanka doorashooyinka Somaliland ay soo wejehday caqabad weyn oo dhinaca siyaasadda iyo sharcigaba ahi, oo u baahan go’aan qaadasho siyaasadeed oo lagaga baxo marxaladaha noocaasi oo kale ah.

SONSAF iyo SSE waxa ay si weyn ugu talinayaan in xukumadda Somaliland ay la timaado qorshe hawleedka doorashooyinka baarlamaanka, (parliamentary election roadmap)  iyada oo ay hubaal tahay in qabyo badani ka jirto, hadday tahay saami qaybsiga kuraasta gobollada iyo degmooyinka, dumarka iyo dadka la hayb-sooco sidii loogu diyaarin lahaa kooto.

Ururada bulshada Rayidka ah ee Somaliland Gudo iyo Dibedba waxa ay aaminsan yihiin in doorashooyinku ku dhacaan wakhtigooda. Shacbiga Somaliland lama dhacsana, aadna way uga xun yihiin wax kasta oo dib u dhigaya doorashooyinka. Taasi oo keeni karta xasilooni-darro siyaasadeed iyo dhaawac soo gaadha nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland.

Ugu dambayn SONSAF iyo SSE waxa ay si wada jir ah uga mahadnaqayaan Dawaldda Somaliland bixinta kharashaka doorashooyinka, waxay kaloo uga mahadnaqayaan  beesha caalamku taageerada ay siiso arrimaha doorashooyinka Somaliland hore iyo dambeysaba, iyaga oo si wada jir ahna ugu boorinaaya iney sii wadaan taageerada iyo kaalmada dhaqaale ee ay ku bixiyaan doorashooyinka Somaliland, gaar ahaanna doorashada madaxtooyada la filaayo sannadka dambe.

Mustafe Sacad Dhimbiil                                                                                   Cabdillahi Yusuf (Xeef)

Guddoomiyaha SONSAF                                                                             Guddoomiyaha SSE

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here