Hargeysa(Hubaal)-Dallada ay ku bahoobeen jilayaasha aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF) ayaa maalintii shalay hoggaamiyeyaasha axsaabta siyaasiga ah dhex dhigay dood nuxurkeedu yahay sidii loo hirgelin lahaa diiwaangelina cod bixiyeyaasha Somaliland, isla markaana doorashooyinku ku qabsoomi lahaayeen waqtigii loo jideeyey inay dalka ka dhacaan. Kulankan waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday saddexda xisbig qaran ee somaliland, guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka, ururrada bulshada ee ka qayb galaya hannaanka doorashadu u socoto iyo xubno kale. Guddoomiyaha ururka jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil oo ka hadlay furitaanka kulankan ayaa waxaa uu ka warramay warbixin ay ka soo saareen doorashooyinkii dawladaha hoose ee ka qabsoomay somaliland waxaanu yidhi “warbixintii aanu ka soo saarnay doorashadii 2012 waxa uu ahaa buug meel walba lagu qaybiyey, maalintii aanu daah furaynay waxaanu ku furnay magaalada Nairobi oo ay joogaan inta badan dhamaan qolyaha inaga caawiya doorashooyinka, mar labaadna waxaanu ku furnay magaalada Hargeysa, in ka badan 2000 buug ayaa la daabacay ilaa imikana wufuud kasta oo caalami ah oo yimaada waa la siiyaa, waxaanay noqotay warbixin dhex dhexaad ah oo ururada bulshadu ku daba galeen nidaamka doorashada.” Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyey ururada bulshada ee ka qayb galaya ilaalinta hawlaha doorashada waxaanu yidhi “Kulankan ujeedadiisu ay tahay sidii ay gogol xaadh ugu noqon lahayd, diyaar garawna ugu noqon lahayd, masuuliyadooda loo tilmaami lahaa ururada bulshadu sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen ka qayb galka iyo ilaalinta doorashoyinka soo socda, waanu soo dhawaynaynaa.”
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulankan ayaa dhinaciisa sheegay inay muhiim tahay in dadka masuuliyiinta ahi ay dhawraan wixii lagu heshiiyo waxaanu yidhi “Bahasha haddii aynaan dadkeena mudakarka ah ee masuuliyiinta ahi ilaalin wixii ay qoreen shacabkuna wuu baabiinayaa, ta kale wuu jirayaa kormeer ay samaynayaan ururada bulshadu laakiin awood ma leeyihiin marka ay arkaan wixii oo xumaaday waa inay jirtaa meel dacwadooda qaadaysa oo saamayn leh.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Sidoo kale La taliyaha siyaasada arimaha dibada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Faadumo Siciid Ibraahin oo ka hadashay kulankan ayaa soo dhawaysay ururada bulshada rayidka ah waxaany tidhi “Runtii waxa weeyaan waa loo baahan yahay ururada bulshada waanan soo dhawaynaynaa, laakiin kormeerka aad samaynaysaan waa mid noocee ah, ma wakhtiga doorashada ayaad samaynaysaa, taasna waa in laysla eego, dadka kormeerka galayana waa in la sii tababaro oo guddida doorashooyinka ayaa ku shaqo leh, xisbiyaduna qayb ayey ku leeyihiin waana in laydiin ogaado.”
Ugu danbayntiina gudoomiyaha guddida doorashooyinka somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlay kulankan ayaa sheegayinay muhiin tahay in laga qayb galo sidii diwaan gelinta codbixiyayaasha loo hir gelin lahaa “Waxaynu hada galnay diwaan gelintii taas oo u baahan in loo diyaar garoobo si aynu u galno doorashooyinka ku xige.”