Jinnaasadu Mararka Qaarkood Waxay Noqotaa Mid Uu Qofku Doorto!

0
79

Dadkii Rabay Inay Rikoodh Dhigaan Ee Geeriyooday

 rikoodh intuu dhig islaa ayuu geeriyoodayWaa sida mararka qaarkood dhacda e’ jannaasadu waxay noqotaa mid uu qofku doorto, isagoo uga dan leh inuu qayb noloshiisa ah ka dhigo ama uu ku hor mariyo, iyadoo dadka caadiga ahi isu beddelaan xidigo ay bulshooyinku taariikhdooda kala dhaxlaan, kuwaas oo mid ka mid ahina gaadho hadafkiisa, mid kalena uu masiirkiisu ku dambeeyo murugu xanuun badan. Arrimahaasina waa kuwo iyagu dad badan ku kelifa inay la yimaadaan ama sameeyaan, waxyaabo aan macquul loo arkaynin, si ay u gaadhaan hadafka ay ka leeyihiin amuurtaasi. Waxaa jira in badan oo nolosha ku wayday iskudaygii ay samaynayeen. Xirfad yaqaankii reer Hindiya ee lagu magacaabi jiray Zilladaas Rasiluway ayaa u dhintay wadne istaag, xili uu ku dhex jiray ciyaar ama tartan uu doonayay inuu rikoodh cusub ku dhigo. Ka-talowga webiga Testa ee dalka Hindiya isagoo kazoo laalaada xadhig ay ugu xidhan yihiin qayb ka mid ah timaha madaxiisu, waana ninka lagu xusuusto sanadkii 2012-kii inuu madaxiisa ku jiiday tareen miisaankiisu dhan yahay 42 ton, waxaa uu kazoo bilaabay webiga dacalkiisa isagoo kazoo laalaada xadhiga boqol iyo labaatanka mitir ah ee ay u hayaan timaha madaxiisu, isagoo calanka dalkiisuna dhinaca ugu xidhan yahay. Laakiin intii aanu dhamayn socodkiisa ama halkii ay guushu ahayd aanu gaadhin, ayuu awoodiiisii ku waayay badhtamaha, waxaana uu isku dayay inuu xadhiga ay timihiisu hayaan ku qabsado gacmaha, waxaanu uu bilaabay inuu qaylodhaan u dirsado dadkii iyagu daawanayay ciyaarta uu samaynayo, oo iyaga ku mashquulay sawaxankii iyo qylaadii ay taageerada ugu muujinayeen isaga. Nasiibkiisii xumaadayna waxa dhacay wax yar kadib inuu wadnuhu ku istaagay halkii uu marayay, oo uu noqday meyd ka laalaada xadha. Ciyaartoy kale oo isna u dhashay dalka Faransiiska ayaa isku dayay inuu dul haado caasimada Paris, isagoo isticmaalaya baarashuudkiisa, balse markii uu ka booday diyaaradii siday ayaa baarashuudkii u furmi waayay isagoo hawada sare maraya, waxaana uu dhulka ugu soo dhaacay isagoo xawaare daran ku socda, halkaasna ku waayay noloshiisii, iyadoo ninkan walaalkiina uu laba sanno kahor sidan oo kale ku dhintay isla ciyaartan oo uu baarashuudkii uu diyaarada kaga soo booday isna hawada sare isgoo maraya u furmi waayay, oo dhulka kazoo go’ay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here