Jirrid Sugan Iyo Baar Sarreeya: Waa Kuma Aabaha Cuudka Soomaaliyeed?

0
347

 Akhri: Qormo Xiiso Leh Oo Milicsanaysa Sooyaalka Aabaha Cuudka Soomaaliyeed

Khartuum (Facacusub):Sanadku markuu ahaa 1932 ayaa Maxamuud Ismaaciil “Xudaydi” uu ku dhashay magaalada Berbera, Gardaadiskiisuna wuxuu ka dhacay magaalda Cadan halkaasoo aabihii Ismaaciil Xuseen “Xudaydi” uu ka ahaa sarkaal cidamada amniga ka tirsan. Barashada diinta oo uu ugu horeeyo Quraanka sharafta badan iyo tan maadiga ah ayuu Maxamuud Ismaaciil ku qaatay Cadan, Intii aanay toban sano u buuxsamin ayuu Maxamuud calmaday barshada qalabka dananka (musiga) waxaanuu durba xariif ku noqday durbaanka oo uu markii danbena raaciyay tumista dhexyarta (Violin). Magaalada Cadmeed waxaa dabayaaqadii afartanadii ku sugnaa rag ku xeel-dheeraa fanka oo carab u badnaa ayse tarraxeen soomaali dhig u ah, Jabaabiirtaa ayuu Maxamuud ugu horryantiiba  la jaan qaaday.

London, United Kingdom - Tuesday 19 November 2013, Final rehearsal of 'The Crows Plucked Your Sinews' at the Bush Theatre.London, United Kingdom - Tuesday 19 November 2013, Final rehearsal of 'The Crows Plucked Your Sinews' at the Bush Theatre.

1952kii

1952 ayaa waxaa gumaysigii Ingriisku soo uruuriyay raggii lagu majeeran jiray tumista qalabka dananaka (musiga) kuwaasoo ku noolaa aduun-waynihii barigaa jiray. Halkaa waxaa habeenkaa libtii kula hoyday Maxamuud Ismaaciil oo isla sanadkaaba magiciisa lagu ladhay magicii awoowgii “Xudaydi” oo uu caanba ku noqday. Xudaydii wuxuu abaarahaa sameeyay laba cod oo ilaa hadda aan duugoobin kana maydhmi la` xusuusta dadka afka soomaaliga ku hadla, Heesta hore waa Rifton oo uu Xudaydi erayo iyo laxanba is raaciyay horran teeduna ahayd “ufada roobku ruuxa waa u dawee, Rifton baa urayee ma Ruunbaa”

Heeska kale waa Raaxeeye oo markii dame ilaa dhawr qaybood u kala farcamay midhahana uu ku lifaaqay hal-abuurka looga hadhay falkinta suugaanta ee la odhan jiray Xuseen Aw Faarax (aun). Waxaa Raaxeeye midhaha ku jira ka mid ah “Ruuney sida roob kaliil da`ay,  Raaxeeye ma kaan ku reeyaa”. Ilaa mudadaa laga soo bilaabo Xudaydi wuxuu ku hawlanaa sidii uu godad ugu xordi lahaa habka tumida Kabanka ama cuudka oo isagu aabbe u ah dhammaan waxa la tumo sumad ay leeyihiinba. Isaga oo Cadan jooga Xudaydi wuxuu ka qayb qaatay halgankii loo galay xoraynta gayigii Soomaaliyeed riwaayado dhawr ah, heeso iyo waliba suugaan tira dhaaftay ayuu heelkaa kulahaa kuwaa soo baxay badhtamihii 1950kii ilaa 60kii.

Heesaha aan xusi karno waxaa ka mid ah

“Hawdo magacaagacaagiyo haybso calankaaga” oo ay ku luuqayso fanaanada hor-yaalka u ah hablaha soomaaliga ku heesa waa Faadumo C/Laahi Kaahin  “Maandeeq”.

1961kii

Markii uu Hargaysa yimid sanadkii 1961kii ayuu Xudaydi ka qayb qaatay dhismaha dalka iyo taaba galinta laamahii yagleesha ahaa ee dawladii socod baradka ahayd ee soomaaliya. Heesta “Dugsi” ee uu qaado xidiga aan waligii dhacayn ee la yidhaahdo Maxamed Axmed “Kuluc”, oo dugsiyada lagu amaanayay iyo heesta caanka ah ee loo yaqaan “Wadankayga Wanaagsan” ee uu ku luuqeeyo rug-cadaaga fanaanka, mulaxamka musikaystaha ah ee loo yiqiin Shimbir (aun)  yaa inoo bidhaaminaya sida uu Xudaydi ugu guntanaa horumarinta wadanka. Wuxuu isla sanadkaa Xudaydi u gudbay wadanka Jabuuti oo markaa gumaysiga Faransiisku gacan bir ah ku hayay. Jidh-dilka, xadhiga iyo daldalaadda ay xoogaga faranjigu ku hayeen shacabkii gobanimo u dirirka ahaa ee reer Jabuuti Xudaydi ma cabsi galin ee halkii ayuu ka bilaabay guubaabo iyo tirtirsi.maxresdefault

Heesaha uu halkaa ka ku unkay waxaa ka mid ah

“Cadan iyo Jabuutiba”, “Roog aan rool” iyo qaar kale oo anti ahaa.

Ta ugu xusuusta badan waxay ahayd hees horraanteedu ay ahayd.

“Taakuliyo daa, Wax kalood I taartee, Tacabkaan lahaabaad, Nin kalow tusmaysee” oo uu qaadi jiray Siciid Xamar Qoodh.  Qisada heestani waa mid qota-dheer aanse taabanee markii Faransiisku magacii dalka Jabuuti ku bedelay magac kale oo meesha ka saaraya Soomaalida reer Jabuuti xaqii wadaninimo ee ay lahaayeen, ayaa halkaa Xudaydi wuxuu ka tiriyay heesta aan soo xusnay oo isaga wad u noqon gaadhay. Xudaydi xabsi iyo jidh-dill ayuu ku mutastay heestaa sidii marar horeba u dhacday. hadaba si aan loo daldalin Xudaydi ayaa waxaa heesta samayskeeda sheegatay fanaankii halgamaaga ahaa ee wadaniyadu laabtiisa ku dhidbanayd ee la odhanayay Siciid Xamar-Qoodh. Markii Xudaydi heesta mariyay ayaa la xidhay waxay u dhawayd in la dilo, hadii kale inta la jidh-garaaco ayaa loo masaafurin lahaa xagga Soomaaliya. Si aanay taasi u dhicin waxaa naftiisa ku furtay Siciid Xama-Qoodh. Siciid  jeelka ayaa la dhigay oo sidii askartu u garaacayeen ayuu dhiig tufay. Xabsi iyo jidh-dilka marar badan ka soo gaadhay ololaha madax-banaanida Jabuuti kama ay hor is raagin in uu u dhabar-adaygo xanuunka xornimo-doonka. Sida xudaydi sheegayna jacayl ayaaba uga kordhay. Ma ay ahayn nolosha Xudaydi uu Jabuuti ku qaatay xilligaa mid uun had iyo jeer xabsi iyo jidh-dil ku koobane, waxaa taa u garab taalay udubo u taagida fanka ugub ee Jabuuti iyo kobcinta suugaanta. Sandkii 1966kii ayaa Xudaydi loo doortay in uu noqdo madaxa orchestra ha Jabuuti oo dhan.  Wisinkaa waxa uu Xudaydi gacan ka gaystay horu kicinta fanka gayigaa wuxuuna soo saaray faaniin, musikayste yaal iyo abwaano intaba.

1968kii

Hargaysa ayuu Xudaydi ku soo noqday 1968kii wuxuu sameeyay heeso iyo riwaayado aan ka soo qaban karno  riwaayad la odhan jiray “Macal cune muuqan doonee” oo jilayaasheeda iyo heesaaga  ay ka mid ahaa yeen; Maxamed Nuur Giriig (aun), Maxamed Mooge Liibaan (aun), Faysal Cumar Mushteeg, Sahra Siyaad, Maxamed Warsame Qaasaalli iyo fanaaniin kale oo caan ah.

Heesha riwaayadaa ku jiray waxaa ka mid ahaa

“Waa lay dagoo” 

“Quudhsada haweenkoo”

Markii kacaanku dhashay Xudaydi wuxuu ka mid ahaa hal-abuurkii sida toos ka ah u cadeeyay aragtidooda ku saabsan midnimo horumar sinaan iyo cadaalad. Taa lafteeda kuma uu nabad galin oo marar badan ayaa la xidhay oo lagu eedeeyay in uu yahay kacaan-diid.

1979kii

1979 yaa waxaa bilaabatay silsiladii Deeley oo Xudaydi kulahaa jiiftada ay mid uuni ka midho badnayd. 1981kii ayaa waxaa Kacaankii ku baaqay in isku filaansho la gaadhayo taa soo Xudaydi saluugay wuxuuna yidhi “isku fillaansho maahee waa isku fadhiisi”  odhaahdaa wuxuu Xudaydi ku cabirayay dhaqaale xumada  barigaa dalka soo food-saartay. Jen.Maxamed Siciid Xirsi “Moorgan” ayay maalin maalmaha kamid ah  Xudaydi  kulmeen, kaftan iyo bariidu sheeka ayaa la is dhaafsaday. Dabadeed Xudaydi ayaa ku yidhi:- “Doobigii uu xoorku dushaa ka mariyo, Mee doogay warka noogu darayeen?”. Todoba bilood yaa cir iyo dhul laga qariayay Xudaydi oo lagu xidhay guri ka dambeeyay xabsigii labaatan jiro la odhan jiray.

1991kii

Intii burburku dhacay badideedii Xudaydi wuxuu ku sugnaa magaalada London ee carriga ingriiska waxa uu sidii iyo si ka wayn ugu foogan yahay samaynta suugaanta iyo astaynta fanka iyo hillimo u samaynta tuniinka qalabka kal duwan gaar ahaan Kabanka.

Laxamada Xudaydi uu leeyahay

 Allahayow dad ma aqaan, Magool “ erayada Singub” 1972 Kharduum

Qarad, Xasan aadan,  “ erayada C/laahi Ciise Qaney” 1974 Xamar

Jamaadeey, Xasan Aadan, erayada Cumar Nuur Cabdulle. 71 Xamar

Wakhti,  Tubeec. “ erayada Yuusuf Maradoon”

Deeqa,  Tubeec “ erayada Xuseen aw Faarax”

Midhaha iyo codadka/Laxamada Xudaydi

 Uur Hooyo. Tubeec, M Mooge, Griig iyo qaar kale

Caruur. Dararamle iyo A Mooge

Waa bixiso odayow, Khadra Daahir

Hablaha waa lala qoslaa, Nimco Yaasiin

Horu dhaca heesha iyo jawaabaha  Xudaydi leeyahay (musig)

Ubaxii baxaayay. M. Qaasaalli erayada/Laxanka “Cabdi Qays” 68 Xamar

Dadkoo ururayoo. Khadra Daahir  erayada “Yamayam” Lax “Gacayte” 1976 Xamar

Suleekha Giriig (aun) erayada Hadraawi.

Xudaydi Alle ha waariyee wuxuu soo saaraa murti ku aadan agaasinka danta guud ee umadda, midnimada iyo dhiirri galinta horumarka dadyowga caalamka ku dhaqan. Wuxuu ka qayb galaa goleyaal ay isku arkaan fanaaniin heer caalami ah sida bandhig faneedyada sanadle yaasha ah ee London, Oslo iyo Minnesota. Waxaa ka mid ah heesaha uu ka unkay heelkaa heesta uu ku cabirayo halista hubka nuclear ka. Mudadii uu Xudaydi ku jiray fanka oo iminka ku dhaw qarni heesha iyo suugaanta uu tiriyay ayaa waxaa loo rogay afaf ay ka mid yihiin Carabi Canfari iyo Ingiriisi, Prof Martin Owen oo ah khabiir ku xeel dheer afafka oo kan soomaaliguna ku jiro ayaa suugaanta Xudaydi afka ingriisiga u rogay.

Fiiro Gaar ah

Sooyaalkan waxaan ka soo uruurinay waraysiyo ilaa muddo 6 sanadood ah aanu ka duubaynay Maxamuud Ismaaciil “Xudaydi” iyo dadkii ay soo wada shaqeeyeen qaar Ka mid ah. Waxaa xogtan oo dhan ay ku soo bixi doonta buugga lagu soo aroorin doono waayaha Maxamuud Ismaaciil Xuseen “Xudaydi” oo soo bixi doona xilliga inagu soo foolka leh haddii wayne idmo.

Qalinkii Suldaan I. Cali shire

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here