Johansberg:(Hubaal)-Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa wali dhaxda kaga jiro fadeexooyin isdaba joog ah oo ku saabsan musuq maasuq la sheegay in uu ku kacay iyo xidhiidh hoose oo kala dhaxeeya Qoys Maalqabeen ah oo Dowladiisa saameyn badan ku leh.
Warbaahinta dalka Koonfur Afrika ayaa baahisay in Madaxweyne Zuma uu ka tanaasulay qorshe uu uga hortagayay in aan la shaacin warbixin ku eedeynaysa in xidhiidh kala dhaxeeyo qoyska maalqabeenka ah ee Guptas.
Qareenada u doodaya Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa go’aankaasi u gudbiyay maxkamadda sare ee dalkaas ee xarunteeda weyn ku taalo magaalada Pritoria, Qareenada ayaana wali shaacin sababta ay go’aankaasi u qaateen.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa marar badan lagu eedeeyay in uu ku kacay musuq maasuq baahsan, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa isna iska beeniyay eedeemaha loo soo jeediyay.
Madixii hore ee la dagaalanka musuq maasuqa dalka Koonfur Afrika Thuli Madonsela ayaa diyaarisay Warbixinta muranka badan dhalisay ee ku aadan eedaymo culus iyo fadeexooyin ka dhan ah Madaxweyne Jocob Zuma.
Madonsela ayaa baadhitaan ku sameysay eedeymo sheegayay in madaxweynaha uu u ogolaaday qoyska maalqabeenka ah ee Guptas in ay saameyn ballaadhan ku yeeshaan dowladdiiisa ayna ku lug yeeshaan magacaabista Wasirada si ay danahooda gaar ah uga fushadaan.
Qorshaha madaxweyne Zuma uu ku doonayay in uu isku hortaago shaacinta warbixintaasi ayaa waxaa loolan geliyay xisbiyada mucaaradka, kuwaasi oo hadda dalbanaya in madaxweynaha uu bixiyo kharashka uga baxay doodda arrintan.
Madaxweyne Zuma iyo Qoyska Maalqabeenka ah ee xidhiidhka hoose la lahaa ayaa si isku mid ah u beeniyay eedeemahan lasoo jeediyay, waxa ayna eedeemahaasi ku tilmaameen kuwa aan jirin ay dabada ka riixayana kooxo mucaarad ah.