W/Q: Mohamed Hagi Mohamoud
Inkasta oo Itoobiya ay tahay dal bilaa bad ah – Somaliland na ay leedahay xeeb dheer oo 850 km ah – haddana ganacsiga ay labada Itoobiya iyo Somaliland xidhiidh ganacsi oo ka unkamay iskhaashi dhinaca amniga ah ayaa dhex marayey wixii ka danbeeyey markii dawladdii midowga Soomaaliyeed burburtay. Xidhiidhka ganacsi ee ugu weyn ee labada dhinac dhex mara; waa qaadka oo 99% Itoobiya la ga soo iibsado. Inkasta oo Itoobiya ay tahay dal bilaa bad ah – Somaliland na ay leedahay xeeb dheer oo 850 km ah – haddana ganacsiga ay labada dal ku wada jiraan waa mid sadbursiinyo badan siiya Itoobiya – Somaliland na ku haya casaan ganacsi (Trade Deficit). Sidaa soo ay tahay Somaliland qudheedu marka isha dhaqaalaha la gu eego wax badan oo faa’ido ah ayaa qaadka ugu jira. Faa’idada koowaad waa – in suuqa qaadku yahay suuqa ugu weyn ee dadka inta ugu badan ee shaqaysaa ay dhunnigooda kala soo baxdo – marka loo barbar-dhigo suuqyada kale ee shaqo abuurista Somaliland. Marka ay noqoto keenista iyo iibinta qaadka gudaha Somaliland dhexdiisa oo keliya waxa aad dareemaysaa in 30% uu dalka dhaqaalihiisa macnaawiga ah ee noloshu ay qaadka gashay! Waxa la qiyaasaa ilaa $524,000,000 in qaadku ka yahay dhaqaale weynaha qaranka (National GDP) sida uu James Jeffrey ka soo xigtay AHUN aqoonyahan Wali Daa’uud Cigaal 2014 oo madax ka ahaa Wasaaradda Maaliyadda Somaliland muddo aad u dheer. Maanta oo saddex sano la ga joogo wakhtigaa waxa malahu yahay in qiyaastu aad uga badan tahay.
Marka la ga yimaado in uu qaadku yahay laf-dhabarta shaqo abuurista Somaliland, isla markaana dhaqaalaha dalka uu ka yahay 30% waxa intaa dheer in miisaaniyadda qaranka Somaliland uu ka noqdo 20% in ka badan amma sannadkii ay dawladdu ka hesho in ka badan $154,000,000. Qaadka ugu yaraan waxa ku shaqeeya 6,000 oo meherradood oo waaweyn oo dalka ka furan. Maalintii in ka badan $10,000,000 ayaa la qiyaasaa in dadku ku bixiyaan iibsigiisa, intaa labanlaabkeedna la ga macaasho. Haddii hawli sidaa taha waxa la ga ma maarmaan ah si aqooni kaabayso aynnu isku wayddiino su’aasha ah; joogsiga amma hakadka qaadku isaga oo aan waxba la gu beddelin dhaqaalaha dhib intee le’eg ayuu u keeni karaa?
Shaqo la’aanta Somaliland waxa la gu qiyaasaa inta u dhexaysa 65% ilaa 70%. Inta shaqaysa oo qiyaas ahaan dhan 35% ilaa 30% in ka badan marka boqollauda loo rogo 35% waxa ay ka shaqeeyaan qaadka! Maanta qaadku waa uu taagan yahay, dad badan oo iibsan jiray lacagtoodii wax kale ayey siisteen amma ma ba ay soo galin oo marka horeba shaxaad ayuu qaadku ugu iman jiray oo cid kale ayaa u qaadi jirtay! Dadkii ka baayacmushtarayn jiray lacagtii ay ku soo iibsan jireen oo Itoobiya u xaroon jirtay marka la ga tago, lacagtii ay ka heli jireen waa ay joogsatay. Sidaa soo ay tahay dadkii qaadka ka shaqaysan jirayna waa ay camal la’ yihiin oo laba maalmood ma ay kallahin. Qaadka Miiro kaalintii qaadka Herariga ah ma buuxin karo. Waayo Kenya xad la ma lihin oo isagu diyaarad ayuu ku imanayaa, dawladduna sidii Herariga u cashuuran kari mayso oo caddadka ayaa ah mid aad u ga yar.
Haddaba haddi ganacsi labo dal dhex maraa uu joogsanayo waa in labada dalba ay marka hore si weyn uga sii gaashaantaan, waayo ganacsigu waxa uu halbowle u yahay shaqo abuurka, cashuurta dawladduhu helaan iyo wareegga lacagta oo faa’ido dhal ah. Halka marka ay lacagta wareeggeedu joogsado ay dhagaxa noociisa bilaa faa’idada ah la mid noqoto. Halkaa waxa ku cad in joogsiga qaadku Somaliland iyo Itoobiyaba uu si isku dhaw khasaare dhaqaale ugu yahay! Sidaa darteed, maskaxda cilmiga dhaqaalaha marka aad ku eegto ammuurtan waxa markiiba kuu soo baxaysa – innaga Somaliland ayaa inna khusaysa e, in haddii aan laba midkood dhicin uu dhaqaalaha Somaliland hoos u dhac weyni ku iman doono.
- In dawladdu ay lacagta fadhiisatay ee qaadku wareejinayey iyo faa’idada ganacsi iyo shaqo ee ay abuuraysay oo loo geeyey cashuurta badan ee dawladdu ay ka helaysay beddiilkeeda la timaado sida ugu dhakhsaha badan inta aan la gaadhin bil oo ah wakhtiga nabarka dhaqaalaha ku yimaaddaa uu damqado.
- In ganacsatada waaweyn ee qaadku ay maskax furan oo weyn la yimaadaan muddo bil gudaheed ah si lacagta fadhiisatay wax kale loo gu kiciyo si xarakaadka dhaqaaluhu uu mar labaad muuqa u beddesho.
Haddii ay dhacdo in aan labadaa midna la sameyn – xaallada hadda taagan na aan waxba la ga qaban – waxa hubanti ah in uu dhaqaalaha dalka gees-diiran weyni ku dhici doono. Waxa iman doonta shaqo la’aan badan, oo dadkii qaadka nolol ahaan ku tiirsanaa ee qaadaa-ma-dhergaha u badnaa waa ay hayn kadeedmi doonaan, dawladdu waa ay cashuur beeli doontaa, si guudna dhaqaale dalku waa uu siriri doonaa haddiiba aannu sumoobin. Jimce Wanaagsan
W/Q: Mohamed Hagi Mohamoud