Manchester United ayaa tababaraha cusub ee kooxdeeda u magacawday Jose Mourinho kaas oo badali doona Louis Van Gaal oo shaqada Old Traffrod todobaadkan laga caydhiyay. Kadib markii uu laba xili ciyaareed oo dhib badan uu soo maamulayay kooxda Red Devils, ayaa ugu danbayn shaqada laga joojiyay macalinka ree Holland taas oo albaabka u furtay in Jose Mourinho uu qabto shaqada Red Devils. Jose Mourinho ayaa ka soo baxay gurigiisa London wuxuuna yimid Hotel ay saraakiisa Macnehste United ay ku sugayeen halkaas oo si rasmi ah ugu saxiixay heshiiska uu kula wareegay kooxda kowaad ee Red Devils. Mourinho ayaa si aad u fiican u soo labistay wuxuuna ugu danbayn uu qalinka iyo warqada duldhigay heshiis uu Old Traffrod kula wareegay waxayna heshiiskan isla saxiixeen gudoomiye ku xigeenka Manchester United ee Ed Woodward. Mourinho ayaa bishii December 2015 laga caydhiyay shada kooxdiisii hore ee Chelsea, waxaana tan iyo markaas si joogto ah loola xidhiidhinayay kooxda Manchester United, basle ugu danbayn warkii waqtiga dheer soo jiitamayay isla markaana muddada dheer la sugayay ayaa la soo gabagabeeyay, wuxuuna Mourinho noqday tababaraha cusub ee Red Devils.
Heshiiska Manchester United iyo Mourinho ayaa ku soo beegmaya 12 guuradii ka soo wareegtay markii uu Mourinho koobka Champions Leaque-ga uu kula guulaystay kooxda Porto isla markaana uu Manchester United tartanka ka reebay, laakiin markan waxaa filayaa in uu ka shaqeeyo sidii uu Manchester United ugu soo celin lahaa doorkii ay horyaalka Ingiriiska iyo Yurub ku lahayd oo maqnaa tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson uu shaqada United ka fadhiistay. Mourinho ayaa Mancehster United laba guuldaro oo kaliya kala kulmay 22 kulan oo uu ka hor yimid, 9 kulan ayuu ka guulasytay halka uu 9 kulan barbaro la galay, wuxuuna macalinka ree Portugal uu haddaba ka shaqayn doonaa sidii uu isbadal uga samayn lahaa Old Traffrod. Manchester United ayaa la sugayaa in ay si rasmi ah iyaduna ugu dhawaaqi doonto heshiiska Mourinho balse sheekadii waqtiga dheer socotay ayaa si rasmi ah u soo dhamaatay.