Ka Bogo Muuqaal Xiiso Huwan Oo Marag U Noqonaya Sida Muslimiinta Alle Rumaysani ay Uga Nolol Wanaagsan Yihiin Dhiggooda Mulxidiinta Ah

0
69

Warbixino tira badan iyo baadhitaano la xidhiidha caafimaadka iyo saykoolajiga, oo mudooyinkii u danbeeyay laga sameeyay dunida ayna fulinayeen dhakhaatiir iyo caalimiin kala duwan oo takhakhus u leh arimahaas ayaa cadaysay, in dadka Illaahay rumaysani ay ka cimri dheer yihiin kuwa kale.

Waxa kale oo daraasadani sheegtay in dadka Illaahay rumaysani ka caafimaad iyo nolol wanaagsan yihiin kuwa aan waxba rumaysnayn ee loo yaqaano mulxidiinta.

Baadhitaankii u danbeeyay oo ay sameeyeen caalimiin dhamaantood gaala ah ama aan muslim ahayn waxay tilmaantay in dadka ugu nolosha wanaagsan uguna caafimaadka badan marka laga eego dhinaca cilmi nafsiga ay yihiin Muslimiinta, waxa ku xiga dadka Illaahay kalidii rumaysan ee aan wax kale aaminsanayn.

smiling-elderly-muslim-husband-and-wife-coupleKuwaas oo warbixintu natiijadeedan ku salaysay inay ugu wacan tahay aaminsanaanta Rabi awgeed ay ogolaadaan xanuunada ku dhaca kuna samraan isla markaana ay ku dedaalaan wixii dawayn iyo dabiib ah ee loo helayo, waxa warbixintani tilmaantay in qofka aan waxba rumaysnayn ee bilaa diinta ahii naftiisa galaafto ama is dilo hadii dhibaato ku timaado oo aanu marnaba isku dayin inuu dawo helo ama ka bogsado.

Waxa kale oo daraasadani cadaysay in dadka Muuminiinta ahii ku qancaan dhamaan wixii dhibaato ah ee ka soo waajaha nolosha isla markaana iyagoo Illaahay baryaya ay si Dagan ula tacaalaan halka kuwa bilaa diinta ahii naftooda iyo dhaq dhaqaaqooda eersadaan, waxa kale oo warbixintani sheegtay in dadka muslimiinta ahii yihiin kuwa ugu wanaagsan maaraynta nolosha, oo dhamaan dhibaatooyinka soo waajaha kaga dabaasha samir iyo kalsooni ay ku aaminsan yihiin in dhibaatada laga baxayo.

Waxa Turjumay Feysal Maxamed Xasan

Soo saaraha Barnaamijka Mesallooyinka Xiisaha leh  ee Kusoo baxa Wargeyska SAXAFI

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here