Hebel Iyo Hebel Iyaga Cidbaa Igala Hadashay!!!!
Qalinka: Weriye Xasan Ismaaciil Maxamed (Shaah, Hargeysa, Somaliland, xasanshaah@gmail.com, Tell: +252 2 63-4470837
(Godadlaysan maayoo tashiga waan gudoonsadaye waxba yaan indhaha la igu gubin gaabsi ma aqaane). Qofba waxabaa ku dhaliya inuu wax qoro ama wax curiyo ama wax hal abuuro sida gabayga ama sugaantu uga timaado ugana godlato maskaxda abwaanka ama hal abuurka tasiyoo intabadan ka dhalata marxalad noocay doontaba ha ahaatee ayaa qalinka ama qoraalkuna ka dhashaa dareen ama marxalad.
Inkasta oo dadka illaahay aanay isku fikir isku aqoon iyo isku caqli midna ahayn midkastana eebe xajmi ka siiyay una kala badiyay ayay hadana u kala aragti dheeryihihiin waana ta ay somaalidu tidhaahdo INDHAW ARAG IYO INDHEER ARAG. Sidaa darteed ma ihi isumana arko qof aragti dheer iyo aqoonbadan eebe siiyay walaw hadana aan filayo inaanan ka gaabinaynin ama ku dhawahay ka eebe inbadan ka siiyay labadaasi balse togba taagtiibuu rogmadaaye waxaan hindisahayga u holaday una heensaystay inaan aragtidayda iyo fikirkayga ku cabiro qoraal anoo ku dayana inta hodanka ku ah habdhaca qoraalka iyo farshaxanka sheekooyinka.ku salaysan dhacdooyinka kala duwan sida taariikhaha siyaasada jacaylka dhaqanka dhaqaalaha deegaanka iwm ayay anigana ila noqotay inaan qalinka qaato oo aan isku dayo inaan aragtida ku cabiro qoraal kuna soo bandhigo.
Marka uu gadaan iyo gadaan Gacan togaaleeyo
Ayuunbuu waxaan ganaclahayn Sii gorgoriyaaye
Seetada ningoostaba wuxuu Gaysto lala yaabye
Mar haduu talaabada gurguro Gaatan iyo boodo
Dhaaxaa gadaal la isla tabay wiil galbaday jeere
“Gabayga GUD-GUDE ee Abwaan Hadraawi
Ujeedada iyo nuxurka tuducyadaasi kamida gabayga gudgude ee hal abuurka wayn ee hadraawi waxaan akhriste filaya inaad dhamaantiin kawada dharagsantihiin islamarkaana garankartaan macnaha kujira iyo waxa uu abwaanku uga jeeday inay cadahay balse waxaan filaya inaad markiiba is waydiiseen muxuu uga jeedaa isticmaalka tuducyadan.
Hadaan idin idhaahdo se ma ihi nin ku fiican ama u leh aqoon durugsan macnaha balaadhan ee ay xanbaarsantahay suugaanteenu idiinmaan sheegin been mana ihi xaqiiqatan nin aqoon u leh balse waxa i deeqay iguna kalifay soo xigashada tuducyadan ka mida gabaygan gudgude halkan tuduc ee odhanaya SEETADA NIN GOOSTABA WUXUU GAYSTO LALA YAABYE: waa run haduu qofku xurmo yeelan, waayo oo xaqdhawr yeelan waayo, oo xil gudasho garan waayo, oo uu is macnayn waayo, odhan waayo horta kumaad tahay? Lab iyo dhadig ka aad doonto ahaw allaa ku karaameeyay, kaa fadilay makhluuqiisa kale, ku kala baray saxa iyo khaladka, oo aad is xisaabin weydo waa hubaal inaad seetada goosanayso.
Waan u soo noqon doonaa halka uu ujeedka qalinkaygani salka ku hayo iyo macnaha halku dhiga ku xusan ciwaan kayga.
Qarankani waa curdin hadana gu,tirsiga wuu dhaafay qaangaadh waxana laga joogaa wakhtigii uu xoriyadiisa dib ula soo noqday mudo 23 sanadooda walina kamuu helin dunida wax aqoonsiya waana taas ta markaasi keentay in la adeegsado ereaybixinta curdin balse hadana anigu waxaan qabaa inaanay munaasib ahayn in halka maanta aynu joognaa ahaato halkii ugu saraysay balse waynu ka sii sarayn lahayn kanasii horumarsanaan lahayn hadii aanay jirin caqabado dhexdeena ah oo aan garan la ahay goortii aynu heli lahayn dawadeeda
Waa caqabad caado dhaaftay,waa caqabad colaad ka unkan, waa caqabad caqliga fiican hankiisa reebta, waa caqabad halyay dulaysa oo jaahil daryeesha,
Waxay necebtahay aqoonta, waxay necebtahay horumarka, waxay necebtahay wada noolaanshaha, waxay necebtahay wadajirka, waxay necebtahay waxwada qabsiga, waxay kaabtaa dib u dhaca, waxaana ku adeegta hadba cidii dan gaara leh, waana caqabad aan meel la is taagin gole danguud lagaga hadlayo.waa qabyaalad ka unkan qoys, oo hirdan culus kula jirta horumar iyo dimuquraadiyad xisbiyada siyaasadeed iyo doorashaooyinka xorta ah waxaynu u samaysany inaynu cidhib tiro qabiil, qolo, xigto,iyo nin jeclaysi intaba…
La Soco Qeybta 2aad ee Qormadan Oo Taxane Inoo Noqon Doonta Insha allah.
Qalinka: Weriye Xasan Ismaaciil Maxamed (Shaah)
Hargeysa, Somaliland
+252 2 63-4470837